Taariikh Nololeedkii Abwaan/Marxuum Boon Xirsi W.Q Ibraahin Cali Axmed

0
1240

Waxaan maanta halkan idinku soo gudbinayaa intii aan ka garto ama ka xasuusto AHUN Marxuum Abwaan Jilaa ka qosliye Xuseen Xirsi Caddib (Boon Xirsi bowdya gaab) oo 17.12.2016 si kedisa ugu geeriyooday magaalada Hargaysa oo uu daganaa Taariikh noololeed kiisii iyo tariikhdiisii faneedba.

1

AHUN Abwaanku waxa uu ku dhashay miyi gaar ahaan deegaanka Balligubadle, Hooyadii waxa la odhan jiray Cosob Ibraahim, inkastoo marar badan oo abwaanka la weeydiyay Xilliga uu dhashay uu kaga jawaabi jiray kaftan laakiin qiyaas ahaan waxa uu geeriyooday isagoo da’diisu lagu qiyaasi karo Todobaatan ama aad ugu dhawba.

Waxa uu marxuumku ku soo barbaaray halkaas maadama qoyskiisu uu ka soo jeeday miyi daganàayeen markii danbe waxa uu usoo wareegay xagan iyo magalada Hargaysa oo uu ka bilaabay Shaqo, isagoo kuraya waxaanu ka shaqeeyay Hudheelada gaar ahaan waxa uu noqday mudalab aad ugu fiican muddo yar kadibna waxa uu u wareegay jabuuti halkaas oo u mudo kusoo qaatay kadibna waxa uu usoo wareegay Hargaysa waxaanu dib u bilaabay shaqaqdisii hudheelada waxa uu ka shaqeeyay hudheelkii Ibraahi?m Cawar iyo kii Maxamed yare ee ku yaalay suuqa badhtankiisa gaar ahaan Heegada isaga oo shaqadiisa aad ugu fiicnaa.

Goorma ayuu haddaba Xuseen ogaaday inuu yahay Abwaan waxna jili karo?. Waxa uu ogaaday markii uu afaray iyo geeraaro gaagaaban oo aad loogu qoslo tiriyay oo bulshadii wada gaadhay aadna dadku u jeclaysteen. Jilaanimadiisu waxa ay muujisay oo dibada u soo saartay Shaqadiisii.

 

Waxa uu fanka ka bilaabay in uu wax la sameeyo oo koox markaas la unkay sanadkii 1973 oo la odhan jiray Halgan oo ay lahaayeen Ciidankii Guul wadayaashu oo u sameeyay Abwaan Maxamed Cabdi Wayrax Heestii ugu horeysay ee diiwaanka fanka gashay ee uu sameeyayna waxay ahayd Ilwaad oo uu qaado Maxamed Faarax oo ay kawada tirsanaayeen kooxdaas. Heestii labaad ee uu sameeyana waxay ahayd Heestii uu aad ugu soo caan baxay oo la o dhan jiray Tunka Qaban Ooga Cadaw Tabcunbay ku marayan Tuudh Wiidh oo labadaba uu laxameyay Maxad Faarax.

Riwaayadii ugu horeysay ee isaga iyo Kinsi ay kawada qayb qaateen sanadkii 1973 waxa la odhan jiray Jacayl waa kane kaalay, Waxaana Hal abuuray Axmed Saleebaan Bidde. Markii uu noqday jilaa dadka aad usoo jiitay waxa qaadatay kooxdii Waaberi Riwaayadii ugu horeysay ee uu ka qayb qaatay ee Waaberi uu la jilayna Waxay ahayd Dumistii Aqalkayga iyo Arooskii Inankayga oo xilligaas 1976kii laga keenay Muqdisho. Waxaanu ka galay Booskii Cabdiraxmaan Aw Koombe oo Muqdisho kaga hadhay Ruwaayad Aw Koombe waxa uu ku hadlay afka Muqdisho ee iminkaba uu ku hadlo Boon’na waxa uu isku dayay inuu sidiisii oo kale afkii Muqdisho ama Aw Koombe iska dhigo laakiin way ku adkaatay A.H.U.N Maxamed Yuusuf Cabdi oo Boon marwalba dhiiri galin jiray ayaa ku yidhi sidaadanbaad kaga fiicantee ku jil.

Intaas kaddib Boon waxa uu ka soo qayb qaatay Ruwaayado aad u badan oo ay ka mid ahaayeen Nin Qasbaya Jacayl Ma loo Quudhi Karaa, Galbeed Waa La Xoreeyey, Wadhaf iyo Shinbinbiro, Ninba Tacabkii Taloy kaa Maal, Hablaha Maanta iyo Nin u Hooladay Guur, Ha Waalnaado Jacaylkuye aan Weerarka Aadno iyo Riwayadii Ninba Tima xamar ee ay Wada lahaayeen AHUN abwaankii weynaa ee isna Jilaaga weyn ahaa Meecad Miigane inkastoo ay dhici karto in aan qaar illaaway ama aan garan waayayba.

Boon AHUN bilawgii sideetamaadkii waxa uu u wareegay Jabuuti hal kaasna waxa uu ku sameeyay Riwaayad la odhan jiray Ikhtiyaarka Ruuxii leh Is Roogu Wuu u Bannaanhay, waxa Kale oo uu ka qayb qaatay Ruwayado badan oo xiligaas ka soo baxay Jabuuti. AHUN Boon Muddadii u danbaysay oo dhan waxa uu ku noolaa Magaalada Hargaysa oo uu u dhashay Ilaa intii uu Xaqqu u yi?mid.

Gebo-gebo

Waxaan doonayaa in aan qoraalkan uga faa’idaysto hal arrin oo intiina badanba aad ogtiihin waa daryeelka dadka bir-ma-gaydada ah sida faanaaniinta ama Abwaanada, haddaynu Tusaale u soo qaadano marxuumka waxa lasoo darsay Xaanuun indho la’aana inkastoo aanu qalbiga ka indha beelin isla markaana meelo badan la mariyay oo dad muwaadiniin ahi iska xilsaareen haddana aragii uma soo noqon – laakiin waxa aan indhaha laga qarsan karin tan iyo burburkii dayaca iyo daryeel la’aanta baahsan ee dadkii mudanta ahaa haysata nooloshooda, caafim?aadkooda. Aaway xuquuqdii ay mudnaayeen? bal kawarama ilaahay baan idi?nku dhaarshe imisa Abwaan ama Fannaan xaaladee ayay ku suganyihiin Guduudo Carwo, Bas-baas iyo qaar kale oo badan qi?imo leh amaba darxumo u dhintay ama maanta la il daran. Arintaas waxa canaanteeda leh cida masuuliyadeeda leh. waxaan Hadalkayga ku soo gabagabaynayaa AHUN Abwaanku waxa uu ahaa Geesi Waddani ah oo naftiisa dadka iyo dalkaba u hibeeyay.

 W/Q: Ibraahim Cali Axmed

Taariikhyahan ku xeel dheer Fanka iyo Suugaanta Soomaalida

Hargeysa, Soomaalilaand.