Taariikh Nololeedka Sheekh Axmed Cali Weerar (Q 2aad)

0
1483

Waxa la yidhi wadaad caan ahaa oo la’odhan jiray Sayid Maxamuud Aw-Cali Qabax ayaa beeshii saldanada ahayd ee Isaaq xoolo u soo doontay , waa sida la’yidhiye Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax madal uu xoolo ka yaboohinaayo ayuu Cali-weerar isa soo taagay. Dabadeed Sayid Maxameuud Aw-Cali Qablax ayaa yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo ku yaboohay boqol qaalmood oo wada  ina Mayliig ah”.

Dabadeedna Cali-weerar baa yidhi: “Sayid Maxamuudow qaalinta kowaad anigaa ku yaboohay” kolkaasuu Sheekhii intuu u duceeyey guddoon yidhi.

Mar labaad ayuu haddana Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta labaad ku yaboohay” Markaasaa la’hadli waayey dabadeedna  Cali-weerar baa yidhi “Qalinta labaadna aniga”.

Mar saddexaad ayuu sidii oo kale Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax yidhi: “Yaa loo duceeyaa oo qaalinta saddexaad ku yaboohay”. Markii saddexaadna Cali-weerar baa yidhi”Aniga ayaa ku yaboohay”. Waa yaab iyo dheygag, waa arrin aan maankooda dad badan u daadagaynin oo inta garashada yari ay u qaadan doonaan buunbuunin iyo naaxnaaxin aan run ahayn. Waase xaal gobeed oo uu waayeelka dad aqoonka ahi garwaaqsan karo.

Arrintu markay halkaa marayso ayuu Sayid Maxamuud Aw-Cali Qablax isaga oo Cali-weerar la’yaaban ku yidhi: “Inshaa allaahu tacaalaa ee dadka ducada haka wada qaadan” dabadeedna intuu dhabarka ka dhirbaaxay ayuu ku yidhi” inshaa Allaahu taacaalaa mid sidayda oo kale ah ayaan kuugu duuceeyey”. Waayeelkii arrintan ka sheekeeyeyna waxa uu yidhi Sh.Axmed Xilligaa ayuu calool galay, ducadii wadaadkana waa la aqbalay.

Dhammaantoodba way inaga hooseeyaan. Allahayow u naxariiso annaguna ergaanu u nahay ee naga aqbal{Aammiin}.

Iga raali ahaaddaan idinku dheereeyey.

HAYBADDII IYO TARANTII SH.AXMED CALI-WEERAR

Illaahay haw naxariistee Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu ahaa Sheekh magaciisu gaadhay degaanno badan oo ay soomaalidu ku nooshahay. Wuxuu lahaa weji iftiimaya oo had iyo goor farxadi ka muuqato, daymada indhuhuna aanay daalin; wuxuu lahaa cod lab oo doob weyni saldhig u tahay.

Qasaa’idka marka uu qaadaayana lama luloon jirin oo lagama daali jirin. Wuxuu lahaa sawd ku soo jiidanaya oo aad dhegaha lasii raacayso. Qasaa’id badana  Nebi Maxamed  buu u sameeyey(C.S.W). waxaanu qoray kitaab la’yidhaa (Jaamic-Madxul Rasuul-Wasaalixiin} oo ka kooban asmaadii illaahay iyo qasaa’id Nebi ammaan ah oo aan weli ladaabacin. Intii taqaanay ayuun baan xasuusinayaa inta maqashay ee aan aragna waxaan isleeyahay ugama wada sheekayn karayo ee wax xoogaa uga taataabo oo u yara guud mar.

Wuxuu lahaa gacan furan oo waxay soo qaado durbadiiba sii bixisa, iyo haybad aan la’hor istaagi jirin.  muu aqoon wax dhigshada, yamxeerinta iyo ka dayrinta xaaladaha nolosha, had iyo goorna waa lagu soo hiran jiray oo la’martiyi jiray. Uma baahna ammaan badan taana yaan ku fogaanin.

Si’gaar ahaaneed wuxuu ugu roonaa waayeelka tabaalaysan iyo dadka jilicsan ee maatida ah. Allow kuu naxariiso {Aammiin}. Wuxuu ahaa xog-ogaal xigtada jecel oo qaraabada xidhiidhiya. Wuxuu lahaa hadal u badan ammaan, dhiirigelin iyo carrab ducadu ka qoyan tahay oo qalbiga qofka wax u taraya.

Xilligii ingiriiska ayuu Sh.Axmed magaalada hargaysa yimid dabadeedna1947-kii  ayuu ka mid noqday askartii ingiriiska. Waxaanu maamuli jiray saadka iyo baatroolka askarta, waxaanu ka tirsanaa guutadii la’odhan jiray Soomaali iskoot. Dabadeedna xilligaa ayuu ka qayb galay siyaaradii Sh.Yuusuf Alkawnayn ee

Aw-barkhadle lagu dhigi jiray oo uu kula kulmay Sh.Xuseen Nuuriye. Dabadeedna shaqadii askarinimada ahayd ayuu ka tagay xilligaas oo ay taariikhdu ahayd 1957-kii. Waxaanu raacay xertii Sh.Xuseen Nuuriye oo Qaadiri ahaa isagaana macalin u noqday oo Quraanka iyo Cilmiga diintaba u dhigay. Sh.Xuseen Nuuriye wuxuu isaguna ku aasan yahay Lafta boqor oo ku taala Gebilay. Sh.Xuseena wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Maxamuud Macilin Cumar oo isaguna Nagiile ku aasan,Sh.Maxamuudna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/salaan X.jaamac oo isaguna Jigjiga ku aasan, Sh.C/salaana wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/raxmaan-Saylici oo isaguna Qulunquul ku aasan, Sheekh C/raxmaan-Saylicina wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Ismaaciil Maqdishi oo isaguna Muqdisho ku aasan, Sh.Ismaaciilna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sayid Xamse oo Canfari ahaa, Sayid Xamsena wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.Caydaruus Al-Cadami oo isaguna Cadan ku aasan, Sh.Caydaruusna wuxuu Sheekhiisu ahaa Sh.C/qaadir-Jaylaani. Sidaasaanay daraqiidu u sii soconaysaa ilaa ay ka galayso Sayid Cali.

Xertii Sheekhuna waxay kala joogtaa dhammaan degaanka soomaalidu degto oo dhan.

Haddaba intii uu noolaa Sh.Axmed Cali-weerar wuxuu guursaday sagaal haween ah, waxana u tarmay oo ay ubad isu dhaleen lix ka mid ah haweenkii u dhaxay. Haweenaydii ugu horraysay oo Cibaado Axmed mire  la’odhan jirayna wuxuu guursaday sannadkii 1955-kii. Lixda bahood ee u tarmayna waxay kala ahaayeen: Cibaado Axmed Mire , Maryama Cumar Xasan,

Sahra Xasan Jaamac-dhegjar, Hibo Aadan-guunje,

Maryama Biixi-Dhegoole  iyo Deeqa Xaashi Shire oo ahayd minyaradii ugu dambaysay.

Sh.Axmed caruurtii uu dhalay iyo intii ay sii dhaleen kolka laysku daro inta nooli wadar ahaantood waa boqol iyo shan iyo toban qof (115-qof). Waa  beel balaadhan, waxaanay wiilashiisu ku kala nol yihiin dalka gudihiisa iyo dibiddiisaba. Waxay kala joogaan : Soomaaliland ,Itoobiya(killalka Shanaad) Kiiniya , Jabbuuti, Soodaan,  Baxrayn,  Ingiriiska, Dheenmaarig iyo Fiilaan.

Sh.Axmed Cali-weerar illaahay haw naxariistee wuxuu ka mid ahaa culimadii waaweynayd ee ka soo qayb qaadatay dib u xorayntii dalka ee kaga qayb gashay ducada iyo dhaqdhaqaaqa diimeed. Dad badana wuxuu sii baray Qur’aanka kariimka ah, waxaanu kaalin weyn ka qaatay faafinta diinta islaamka.

Gebogebo

Ugu dambayn waxaan tacsi u dirayaa ummadda islaamka ah ee uu ka baxay Sh.Axmed Cali-weerar si’gaar ahaaneedna waxaan uga tacsiyaynayaa boqolka iyo shan iyo tobanka qof ee uu ilaahay ka beeray. Waxaan leeyahay wadar ahaanteenba illaahay beddel kheyr qaba kaalintiisii haynoogu beddelo. Dhammaanteenna wuu inaga baxaye illaahay samir iyo iimaan haynaga siiyo. {Aammiin,Aammiin.Aammiin). Innaalillaahi wa innaa ilayhi raajicuun.

Dhammaad

W/Q/DIYAARIYEY: MAXAMED AXMED-BEDEL X.MAXAMUUD

{Macalin Jaamacadda Hargaysa Suugaanta ka dhiga,barnaamij soo saarha Fanka iyo Suugaanta Radio Hargaysa}

EMAIL: Qalin-maal@hotmail.com

mob: +0634112442                   

Dhammaad