Golaha Wasiirada Oo Ansixiyay Diiwaangelinta Muwaadiniinta Somaliland

0
674

Picture2Hargeysa(Geeska)-Fadhi aan caadi ahayn oo ay yeesheen golaha wasiirada, isla markaasna uu shir guddoominayay madaxweyne ku xigeenka Somaliland ahna kusimaha madaxweynaha Cabdiraxmaan Cabdilaahi Sayli, ayay lagaga dooday isla markaasna loogu codeeyay diiwaangalinta muwaadiniinta ee dhawaan ay ku dhawaaqday wasaarada arimaha gudaha Somaliland.

Madaxweyne ku xigeenka oo fadhigan ka hadlaayay, waxa uu yidhi“Golaha wasiiradu waxa uu qabsaday shir aan caadi ahayn, waxaanu dood iyo falanqayn ka lahayn diiwaangalintii qaadashada muwaadinnimada ee wasaarada arimaha guddahu ay kulanka ka yeelatay inay dalka ka qabsoonto, waxayna noogu ansaxday in boqolkiiba boqol dalka ay ka qabsoonto diiwangalinta muwaadiniinta.”

Wasaarada arimaha gudaha ayaa qorshaynaysa in lixda bilood ee soo socda ay muwaadiniinta Somaliland qaataan kaadhaka dhalashada, si loo cadeeyo muwaadiinta Somaliland u dhalatay.