Taariikh Nololeedka Marxuum Jaamac Diir Qadhaadh

0
934

images

Guddomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga kulmiye Jaamaac Ismaacil Cige (Jaamac Shabeel) ayaa ka waramay taariikh nololeedka Marxuum  Aw Jaamaac Cabdilaahi Qaalib (Aw- Jaamac Diir Qadhaadh) oo aha Ra’iisal Baarlamaanki u Horeeyey ee 1960-kii.

Guddoomiye Jaamaca Shabeel Oo ka waramaya Taarikhda Marxuumka ayaa waxaa uu yidhi “ Waaxa u Aha Ra’iisal Baarlamaanki ugu horeeyey ee 1960-kii ee Jamuuriyadii Somaliya,kaasoo aha Kursigii ugu Sareeyay ee Somaliland ka Heeshay Midnimo ku Sheegi Somalia Aya gashay.

 Jaamac shabeel oo si wata hadalkaiisa ayaa tilmaamay in uu yahay ninkii ugu nolol danbeeyay 33 Mudane ee Somaliland wakhtigaasi ka hesho Barlamanka Somali Republic “ Aw Jaamaac Cabdilaahi Qaalib (Aw- Jaamac Dirr Qadhaadh) Wuxu ka mid ahaa baarlamaankii ugu Horeeyay ee Somaliland yeelatay markey Xornimada ka Qadatey Boqortooadi Ingiriiska Jun 1960-kii Ogaanteyna waa Ninkii ugu Nolol Danbeeyay 33-kii Xubnood ee Baarlamaankaa Somaliland ka koobnaa, Aw Jaamaac Cabdilaahi Qaalib (Aw- Jaamac Dirr Qadhaadh) wuxuu ahaa Ninkii furay Xidhiidhkii Laabada Dawladood ee Ruushkaa iyo Somaliya “ Waxa kale oo shabeel farta ku fiiqay heshiisyadii uu saxeexay waxaanu yidhi “ Isagoo Aha Gudomiyihii la soo Saxeexday heshiiska Dawladi Ruushka oo Waakhtiga Bixinasa Caawimadi ugu Muhimsanayd ee Xaaga Milatariga Taas oo Aay marka hore ka soo hor jeediyeen MadaxdI Sar saree ee Dawladi Somaliya in Xidhiidh lala Sameeyo Dawladi Ruuska Balse u Isagu ku Dhiiraday Talabada inu Qado Isago aha Xilki ugu Sareeyey Dawlada Somaliya ee boqosho Ku Taga Dalka Ruuska Isla markaana La Soo Saxeexda Heeshiskaas.

Ugu danbeent Shabeel wuxuu ka waramay guulihi uu soo hooyay “ Waaxanu ku Guulaystay inu ka Aansixiey Barlaamanki Somaliya Dhaqaangalinta Heeshikaas u Dawlada Ruushka la Soo Galaay, Heeshikaas oo Saldhig u Noqday Dhismihi Milatarigi Somaliya.

Aw Jaamaac Cabdilaahi Qaalib (Aw- Jaamac Dirr Qadhaadh) Allah ha u Naxariste Wuxuu Mudo Dheer Degenaa Dalka Zaambiya oo uu Shirkaad Ganacsi ku lahaa imikana uu ku Geeriyooday.

Waaxaan Ilaahay uga Baryaya inu Jaanadi Fardoowsa u Geeyo Saamir iyo Iimana Ka Siyo Qoyyskisa,Qarabadisa Umada Somaliyed Gar Ahaan Shacbiga Somaliland.”