Heshiis Laga Gaadhay Qaddiyada Nukiliyeerka Iiraan

0
440

iraanDawladda IRAN iyo dalalka la baxasy P5+1 (Maraykan, Ruush, Shiinaha, Faransiiska, Ingriiska + Jarmal) ayaa heshiis rasmi ah ka gaadhey wada hadalkii mudada dheer u socdey ee ku sabsanaa joojinta Nukliyeerka IRAN.

Wada hadalkan ayaa socdey muddo ka badan 10 sano, kaas oo IRAN u horseedey cuno-qabateyn xoog leh oo la degtey dhaqaalaha dalkaas.

Wada hadalka u danbeeyey oo ahaa kuwo aan maalmo loo kala kicin magaalada Viena ee dalka Austeria ayaa ugu danbeyn qalinka lagu jiidey in si rasmi ah looga qaado IRAN cunno qabateynta dhankasta ah ee saaran, taas beddelkeedna IRAN ay si buuxda u oggolatey in la baaro oo lala socdo dhamaan xarumaha ay ku kobcin jirtey awoodda Nukliyeerka.

Wasiirka arrrimaha dibadda ee IRAN Mohammed Zarif ayaa ku tilmaamey heshiiskan mid taariikhi ah, IRAN u ah fursad wanaagsan.

Sidoo kale waxaa heshiiskan soo dhaweeyey Madaxweynaha dalka Maraykanka Barack Obama, waxaana uu yidhi. “Dhamaan jidadkii IRAN ay ku heli lahayd Nukliyeer hadda waa kuwo soo xidhmey.”

Awoodda Nukilyeer bom lagu sameyn karo ayaa la soo dejiyey waxaana kobcinta IRAN uu gaadhiisnaa 19 000 iyada oo la gaadhsiiyey 6000 oo keliya taas oo khabriiradu sheegayaan in 10 sano xitaa aaay halkaas ku gaarsiin karin IRAN.

Heshiiskan ayaa la horgeynayaa Golaha loo dhan yahay ee Umadaha Midoobey waxaana lagu soo saarayaa qararaar rasmi ah.

Israel ayaa durba ku tilmaantey heshiis aad u xun iyo gef weyn oo caalamka laga galay in heshiis kan oo kale ah IRAN lala saxeexdo.

Dalka Sucuudiga ayaan weli ka hadlin oo ka mid ah awoodda gobolka ee ka soo horjeeda in IRAN laga qaado cuuno qabateynta,

IRAN ayaa 10-kii sano ee u danbeeyey galaangal weyn ku yeelatey siyaasadda bariga dhexe, waxaana ay isku xidhey Ciraaq, Siiriya, Lubnaan iyada oo haddana u gudubtey Yemen, isla markaana ruxdey Baxreyn waxaana la is weydiinayaa IRAN oo dhaqaalaheedu kor u sii kacay waxa ay noqon doonto awoodda siyaasadeed ee ay gobolka ku leedahay.