Taariikh Aan Duugoobayn Ee Birigaydh Janaraal Cumar Diiriye Warfaa Qalinkii Siciid Maxamed Axmed

0
960

1111111111111AHUN—Cumar Cismaan Diiriye Warfaa(Canjeex) wuxuu ahaa geesi qaran; haldoor ka mid ahaa raggii foolaadka ahaa ee soo marey qarankii burburey ee waa jiri jirey. Cumar Cusmaan wuxuu ku dhashay Bilcildheere…wuxuuna ku barbaaray Awaare, isagoo halkaas ku qaatay waxbarashadiisii malcaamadeed, kuna dhammeystirtey barashada Qur’aanka kariimka ah iyo luuqada Carabiga. Ka dib, wuxuu safar waxbarasho ugu kicitimay dalka Masar gaar ahaan caasimadda Qaahira, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dhexe, sare iyo jaamacadeedba. Raggii ay isku lod-ka ahaayeen ee ay masar wax kusoo wada barteen waxaa ka mid ahaa; Sulub Cumar Xaashi, Xaaji Qurbaawi, Ina Cumar Jees, Ina Muxumed Sacmaal iyo Cabdillaahi Koongo…Kooxdaas oo dhammaantood noqday foolaad iyo acyaan si weyn looga yaqaano giyiga Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.

Hal sanno ka dib, inqilaabkii dhicisoobey ee 1961-kii ayuu Cumar Cismaan Diiriye kusoo laabtey dalka, isagoo xidigle ah; waxa aannu ku biirey ciidamadii xooga wadaniga Soomaaliyeed isagoo ka gaadhey darajada Jenen Brigaydh (ama Madaxa Hawlgalada in ka badan 12-guuto ciidan) isla markaana maamuley xaruntii Baydhabo fadhiisimo ciidan oo badan oo dalka ku kala teedsanaa maamuli jirtey. Wakhtigii uu ku jirey ciidamada, waxa uu tabobaro heersare ah loogu direy wadamada Russia, Tunisia iyo Maraykanka. Cumar Cusmaan Diiriye Warfaa (Alle Naxariistii Jannatul Firdawza ha siiyee) waxa uu ifka kaga tagay Hodan Cumar Cusmaan.

2

Waxa uu 1981 bishii February, 2deedii ku geeriyooday shil-diyaaradeed, isaga iyo xaaskiisii Khadra Maxamed Ducaale, dumaashidii, laba caruur ah oo uu dhalay, saddex qof oo walaaladii ah iyo inan kale oo reerka ka mid ahayd. Waxaa iyaguna ku jirey dadkii shilkaas-diyaaradeed marxuumka kula shahiiday Taliye, Cabdiraxmaan Cali Baranbaro…oo ahaa taliskii nabad-sugida Soomaaliyeed. Duyuuradaas burburtey waxaa saarnaa 54-qof oo 4-kaliya ka ahaayeen ajaanib…Inta kale oo dhammina ahaayeen Soomaali….waliba u badan reer Woqooyi ama reer Somaliland.

Alle naxariistii janno ha siiyee wuxuu ahaa muwaadin han iyo haybad badnaa taariikhdana baal dahab ah ka galay. Wuxuu ahaa haldoor guul iyo galadba usoo jiiday dadkiisa; waxaanuu caan ku ahaa hal-adkaan; hagar la'aan iyo daacadnimo…Wuxuu ahaa Alle yaqaan quraan ruug ah……Wuxuu ahaa mujaahid u shahiiday dalkiisa….Wuxuu nin ku hal-adag mabaa’diida Islaamiga ah iyo wadaniyada, had iyo gooraalena waxa uu ku dhiiran jirey inuu ka badheedho oo aannu ka gaban wixii uu dan u arko, xilli dalka uu haystay kali-talis tiisa meel-mariya oon tu kale u joojin.

AHUN—Cumar Cismaan Diiriye Warfaa(Canjeex) wuxuu ahaa geesi qaran; haldoor ka mid ahaa raggii foolaadka ahaa ee soo marey qarankii burburey ee waa jiri jirey. Cumar Cusmaan wuxuu ku dhashay Bilcildheere…wuxuuna ku barbaaray Awaare, isagoo halkaas ku qaatay waxbarashadiisii malcaamadeed, kuna dhammeystirtey barashada Qur’aanka kariimka ah iyo luuqada Carabiga. Ka dib, wuxuu safar waxbarasho ugu kicitimay dalka Masar gaar ahaan caasimadda Qaahira, halkaas oo uu ku qaatay waxbarashadiisii dhexe, sare iyo jaamacadeedba. Raggii ay isku lod-ka ahaayeen ee ay masar wax kusoo wada barteen waxaa ka mid ahaa; Sulub Cumar Xaashi, Xaaji Qurbaawi, Ina Cumar Jees, Ina Muxumed Sacmaal iyo Cabdillaahi Koongo…Kooxdaas oo dhammaantood noqday foolaad iyo acyaan si weyn looga yaqaano giyiga Soomaalidu degto ee Geeska Afrika.