Taalibaan Oo Beenisay Inay Wada Hadal Kula Jirto Afgaanistaan

0
554

Ururka Taliban ee ka hawlgala Afghanistan ayaa beeniyay wararka sheegaya inuu wadahadal kula jiro dowladda Afghanistan.
 Wargeyska The New York Times ayaa qoray in Madaxweyne Hamid Karzai uu si hoose xidhiidh ula sameeyey Taliban isagoon arintaasi la socodsiin Mareykanka.
 Wareysi uu siiyey idaacadda VOA, Afhayeenka Taliban, Zabiullah Mujahid ayaa beeniyay inay kulamo la yeesheen dowladda, isagoo sheegey in wararkaasi ay yihiin kuwo been ah oo ay soo dhoodhoobeen dawladda Afghanistan.

Afhayeenka ayaa sheegey in wadahadal lala yeesho maamulka Karzai ay tahay waqti lumis, maadaama maamulkaasi aanu lahayd awood, isla markaana uu dalku weli ku hoos jiro quwado shisheeye oo ku soo duulay.
 
Picture3Wargeyska The Times ayaa soo xigtay saraakiil aan magacyadooda la sheegin oo qiraya in wadahadalada ay bilowdeen bishii November, balse aanay weli noqon kuwo wax natiijo ah laga gaarey.
 
Maqaalka wargeyska ayaa sheegaya in fikirka wadahadaladan uu markii hore ka yimid Taliban.

Waxay xiligaasi ku beegnayd markii Mr Karzai uu go’aansadey inuu dib u dhigo saxiixa heshiiska laba geesoodka ee iskaashiga difaaca ee uu la geli lahaa Mareykanka. Waxaana uu taa beddelkeeda xoogga saarey sii daynta xubnaha mayalka adag ee Taliban ee ku jira xabsiyada Afghanistan, iyo weliba, isagoo soo bandhigey waxa uu ku tilmaamey caddeymo muujinaya dembiyo dagaal oo ay ku kaceen Mareykanka.
Heshiiska iskaashiga amniga ayaa u suuragelin lahaa 10,000 oo ka mid ah ciidamada Mareykanka inay ka hawlgalaan Afghanistan marka ciidamada gaashaanbuurta NATO ay halkaasi ka baxaan bisha December.