Hargeysa (Geeska) – Xisbiga Mucaaradka ah ee Caddaalada iyo Daryeelka (UCID), ayaa ,maanta Magaalada Hargeysa ku qabanaya Mudaharaad balaadhan oo ay kaga soo horjeedaan talaabooyinka xukuumadda Madaxwayne Siilaanyo ee lidka ku ah xuquuqda aadamaha iyo xoriyatul-qowlka ee ay ku kacaysay muddooyinka u dambeeyay.
Muaharaadkan oo xisbiga UCID ku beegay Maalinta xuquuqda aamadaha oo ku beegan Salaasada Maanta, isla-markaana xisbigu ku sheegay inuu u dhici doono si salmi ah oo aan nabadgalyada iyo xasilloonida waxba u dhimayn, balse waxa Mudaharaadkaasi si cad u diiday Wasaaradda Arrimaha gudaha oo doraad jawaab ka soo saartay codsi xisbigu u gudbiyey oo uu kaga dalbaday in loo fasaxo Mudaharaad cabasho ah. Laakiin xisbiga UCID, ayaa isku diyaariyey inay maanta taageerayaasha xisbigu isugu baxaan dibad-bax balaadhan oo lagu muujinayo sida xisbiyada iyo shacabku xun yihiin xadhiga xukuumaddu kula kacday saxaafadda iyo weliba talaabadii Musharaxa Madaxwayne ee xisbigaasi lagaga hor-joogsaday gobolka Gabiley, talaabooyinkaasi oo dhammaantood lid ku ah xoriyadda aasaasiga ah ee muwaadiniinta.
Mudaharaadayaasha oo masuuliyiinta xisbiga UCID kula hadli doonaan fagaaraha xarunta xisbigaasi ee xaafadda shacabka, ayaa laga cabsi qabaa in xukuumaddu faro-galiso isla-markaana ay isku dhacaan ciidamada ammaanka iyo dadwaynaha Mudaharaadayey.
Wasiir ku xigeenka Amniga ee Wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland, Cabdilaahi Abokor Cismaan oo doraad shir jaraa’id ku qabtay xafiiskiisa ayaa sheegay inaan marnaba la aqbali Karin in xisbiga qabto Mudaharaad nooc uu yahayba, isaga oo sheegay inaan xisbiga iyo taageerayaashoodu damaanad qaadi Karin ammaanka dalka, haddii mushkilado ka dhashaan Mudaharaadka, waxaanu ogeysiin siiyay Madaxwaynaha iyo masuuliyiinta amniga oo ay ku jiraan Badhasaabada Gobollada dalka, si ay uga hor-tagaan ama u diidaan Mudaharaadkan, balse masuuliyiinta xisbiga UCID oo aanu xalay la xidhiidhnay ayaa sheegay inay u diyaar-garoobeen qabashada Mudaharaadka ay ku beegeen maalinta xuquuqda aadamaha.
Comments are closed.