Guddoomiye Cirro Oo Sheegay Inaanu Jirin Khilaaf Siyaasi Ah Oo Madaxweyne Siilaanyo U Dhexeeyaa

0
537

Picture11Hargeysa (Geeska) – Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, ahna Guddoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, Md Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro), oo ka qayb-galay xuska 8-aad ee qoomiyadaha dalka Itoobiya, kaasi oo lagu qabtay caasimadda Ismaamulka Soomaalid ee Jigjiga, ayaa shalay dalka dib ugu soo laabtay.

Guddoomiyaha Golaha Wakiilada, Md Cabdiraxmaan Cirro, oo lagu soo dhaweeyay Magaalada Wajaale ee xuduudka Itoobiya iyo Somaliland, ayaa la hadlay warbaahinta, waxaanu beeniyey in wax khilaaf ahi ka dhexeeyo Madaxwayne Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo).

Guddoomiyaha oo Saxaafaddu waydiisay waxa uu ka odhanayo warar sheegaya in khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay Madaxwaynaha, ayaa ku jawaabay “Anniga iyo Madaxwaynaha wax khilaaf oo naga dhexeeyaa ma jiro.”

Guddoomiye Cirro, oo sii hadlaya ayaa tilmaamay “Madaxwaynuhuna marti-qaad ayaa ayuu helay, anniguna Marti-qaad ayaan helay, Waxaanu ahayn masuuliyiin reer Somaliland ah oo ka wada qayb-galay Munaasibaddaasi (Xuska qoomiyadaha Itoobiya)” ayuu yidhi, waxaanu intaasi ku daray “Markaa wax khilaaf ahina nagama dhexeeyo”

Su’aasha Guddoomiyaha laga waydiiyay in khilaaf u dhexeeyo Madaxwaynaha, ayaa ku timid, warar maalmihii u dambeeyay ay baahinayeen mareegaha Internet-ka, kuwaasi oo baahinayey in khilaaf siyaasadeed soo kala dhex galay labada masuul.