Cali Warancade Oo Si Si Rasmi Ah Ugu Biiray Wadani Iyo Weedhaha Uu Ka Jeediyay Xafladii Xalay Lagu Qaabilay

1
731

 

waranHargeysa( Geeska)- Musharaxa madaxweynaha ee xibiga Udub Cali Maxamed Warancade iyo ku xigeenkiisa Axmed Xaaji Daahir oo ay waheliyaan masuuliyiin iyo taageerayaal tiro badan,  ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay ku biireen urur siyaasadeedka Wadani.

 

Masuuliyiintan xisbiga Udub ayaa sidan daboolka kaga qaaday xaflad balaadhan oo habeenkii xalay ahaa urur siyaasadeedka Wadani uu ugu sameeyay hotel Ambasador ee magaalada Hargaysa. Waxaanay masuuliyiin ugu baaqeen taageerayaasha xisbiga Udub guud ahaantood inay taageeraan ururkan Wadani, si uu ugu gudbo xisbi  qaran.

Masuuliyiinta ku soo biiray ururkan Wadani waxa ka mid ahaa Col.Cumar Maxamed Nimcaale,xildhibaan Baar, iyo tiro kale oo mid ah siyaasiyiinta iyo xildhibaanadii xisbiga Udub.

Xafladan ayaa ahayd mid laga jeediyay khudbado tiro badan oo guubaabo iyo taageerada xisbigan Udub uu u muujiyay urur siyaasadeedka Wadani.

Cali Maxamed Warancade oo xafladaas ka hadlay ayaa si rasmiya ugu dhawaaqay inay taageeradoodii u wareejiyeen urur siyaasadeedka Wadani, waxana hadaladiisa ka mid ahaa “ Sidii saaxiibaday sheegeen waxaan aad u mililicsanay cidii aanu isnidhi way qaadan kartaa talooyinka aad haysaan, cidaanu is nidhi waad ku aamini kartaan dalka, cidaanu is nidhi waxbaad wada qabsan kartaan waxaanay noqotay ururka wadaniga ah ee Wadani. Doonbaynu ku jirnaa doontaasuna badweynbay maanta maraysaa, doorashooyinbaa inagu soo fool leh, waxay wadataa duufaano aanay wadan jirin doorashooyinkii hore, taageeradaas aanu maanta siinaynno Wadani hadaanu nahay bahweynta Udub hadii aynu badaas kaga gudubno oo doorashadu si wanaagsan inoogu dhacdo, waxaynu wada leenahay waxii Wadani soo saaro. Haddii ay caadifadu inaga adkaato oo daruufahaas aan sheegay ay  iskeen hortaagaan oo doorashadu hore u qabsoomi weydo, waxa inoo taagan markabkii Titanic ee Udub kaasaynu isugu tagidoonaa insha allaah.” Warancade isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Runtii rag badan oo asxaabta iyo ururada ah waa ay nala hadleen,  oo markaanu ku nidhaahno shuruudahaanu doonaynay waanu idinka waynay, waxay nagu yidhaahdeen, ilmaadeerayaal hadaba  cidna haku biirina’ee iska fadhiya, laakiin uma jeedno hiil qof iyo laba qof ee waxaanu ujeednaa hiil qaran, hiil bulshada Somaliland geedigii dheeraa ee ay soo mareen si ay u siiwataan in cida aanu is leenahay waxyaabo badan oo Udub lahayd ayay leedahay inaanu ku taageerno ayaanu damacsanahay, qarankaanu u hiilinynaa xisbina ka hiilinmayno qofna ka hiilinmayno ee Umadda Somaliland ayaanu ku taageeraynaa.”

“Waxyaabha aanu ururkan ku dooranay waa mide xisbigii Udub waxa uu ahaa mid qunyar socod ah oo maati daadihiye ah, arintaas waxaanu ku aragnay Wadani oo waa ay ka muuqataa, xisbiga Udub waxa uu ahaa mid dulqaad badan Wadanibay ka muuqataa, halkan waxa kale oo ka muuqada oo kale oo aan ku raacnay masuuliyiinta ku jira ururkan waxa ku jira rag aan is laha markaad madaxweyne dalka ka noqoto  aad wax u dhiibtid, markaas inaanu taakulayno oo aanu taageerno ayaa caawa naga go’an. Haddii aan nahay musharaxii madaxweynaha,ku xigeenkiisii iyo garbahii iyo geesiyaashii Udub ee caawa halkan fadhiyay iyo inta naga maqanba, inaan taageerno oo aan garab galno ururkaas aynu isku eegnahay ee Wadani meelkasta oo ay u joogno.Sidii saaxiibkay sheegayna sidii Ruushaka iskiin garabtaagimaynee waanu idin horkacidoonaa meel walaba oo ay noqotaba, in yar oo kaftan ah ayaan ku darayaaye aniga iyo saaxiibkay musharax ku xigeenka waxbaa nagu yara duulay ee baratikoolku  waxa uu noqonayaa intaan doorasho danbe galayno ee nala ridaayo ama nala soo saaraayo musharaxii madaxweynaha iyo ku xigeenkiisii.”

Gudoomiyaha urur siyaasadeedka Wadani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ( Ciro ) ayaa si diiran u soo dhaweeyay hoggaamiyaashan xisbiga Udub ee taageerada u muujiyay “ Aniga oo ku  hadlaaya hoggaanka,madaxda iyo taageerayaasha ururka siyaasiga ah ee Wadani waxaanu si weyn  oo kal iyo laab ah u soo dhawaynaynaa musharaxa madaxweynaha iyo musharaxa madaxweyne ku xigeenka ee xisbiga Udub, masuuliyiinta, xildhibaanada iyo taageerayaasha xisbiga Udub ee goostay inay taageeraan urur  Wadani, waxaanan uga mahadnaqaynaa taageerada weyn iyo xoogaas weyn ee ay isla dhinactaageen urur siyaasadeedka wadani, waxa kale oo aan aad ugu mahadnaqayaa dhamaan cidii ka shaqaysay isku soo dhawaanta iyo suurtagalnimada is kaashiga iyo taageerada xisbiga Udub iyo urur siyaasadeedka Wadani rag iyo dumarba.”

Wuxuu intaas raaciyay “ Doorashanu galayanaa waxaynu la tartamaynaa ururo badan waxa laynooga baahan  yahay inaynu dulqaad yeelano, inaynu anshaxa iyo asluubta ilaalino, inayanu dhaqanka islaamiga ah ilaalino.Waxaan ugu bushaaraynaynaa dhamaan in ururka Wadani uu yahay urur loo simanyahay oo qof kasta oo xubin ka noqdaa ay dhamaan xuquuq siman leeyahiin rag iyo haween, waa urur bahweyn ah oo astaantiisu tahay Somaliland, waa urur aanu doonayno Somaliland isugu timaado, waa urur hankiisu yahay inuu hogaanka dalka qabto.”

Comments are closed.