Taageerayaal Reer Saaxil Ah Oo Ku Biiray Xisbiga Waddani

0
774

Hargeysa(Geeska):-Xaflad ballaadhan oo xisbiga WADDANI ku soo dhaweynaayey sida oo kale na uu ku qaabilaayey haween-weynaha ka soo jeeda beelaha Ciise Muuse ee gobalka Saaxil oo ku soo biiray xisbigaasi isla mar ahaantaana ka soo diga rogtay xisbiga KULMIYE, ayaa ka dhacday hotel Maansoor ee Hargeysa.

Xafladdan, ayaa waxa ka soo qeyb-galay guddoomiyaha ku-meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde, xoghayaha guud ee xisbigaasi Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde, Marwada Murashaxa Madaxweynaha WADDANI Marwo Farduus Maxamed Rooble, xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble, Marwo Faadumo Siciid, Marwo Saado Dheer, siyaasiyiin, xildhibbaano, garabbada haweenka iyo dhallinyarta ee WADDANI iyo weli ba sida oo kale taageerayaal baaxad weyn oo ka soo diga-rogtay xisbiga KULMIYE.

Qaar ka mid ah haween-weynahii ku soo biiray xisbiga WADDANI oo ugu horreyn halkaas ka hadlay, ayaa dhammaantood ba muujiyey sida ay ugu faraxsan yihiin in ay ku soo biiraan xisbiga WADDANi, waxaana ay dhaliilo xooggan ku ganeen xisbiga KULMIYE oo ay ku eedeeyeen in uu yahay khaa’inul wadan xaraashay sida oo kale dano shakhsiyaddeed u adeegsaday hantidii umadda iyo qaranka Somaliland iyaga oo dhanka kale na iftiimiyey in xisbiga WADDANI uu yahay xisbiga keliya ee ay codkooda ku aamini karaan isla jeerkaas na ay hubaan in uu yahay xisbi wax badan ka qaban kara baahiyaha kala duwan ee gobalka Saaxil iyo weli ba guud ahaan dalka Somaliland.

Siyaasi Cabdillaahi Daamur, Siyaasi Food-cadde, xildhibbaan Baar Siciid, Marwo Saado Dheer iyo weli ba sida oo kale madax-dhaqameed, wax-garad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobalka Saaxil oo dhammaantood ba halkaas ka hadlay, ayaa dareen kal-gacal ku soo dhaweeyey haween-weynahaasi, waxaana ay tilmaameen in xisbiga WADDANI uu yahay xisbi aan la kala lahayn isla mar ahaantaana ay u siman yihiin guud ahaan shacabka Somaliland sida oo kale na ah xibsiga keliya ee maanta badbaadin kara qaranka Somaliland.

Marwo Faadumo Siciid oo iyadu dhankeeda halkaas kula hadashay haweenka, ayaa soo dhaweyn ka dib waxa ka mid ahaa erayadii ay halkaas ka tidhi:-“Caawa farxad weyn bay ii tahay in aad ku soo biirteen xisbiga WADDANI, waxaana la is weydiiyaa maxaa reer Saaxil ay cadhadu ugu badan tahay iyada oo gobalada dalka oodhan magaalooyinkooda hore loo soo iibiyey, se waxa aan lee yahay KULMIYE macdan baa uga dilaacday Berbera oo berigii hore waxa la odhan jiray go’ baa lagu qaaday e’ waxa aan lee yahay googorad baa lagu qaaday, maanta na waxa aynu u dagaalamaynaa waa mustaqbalka caruurteena, taana waxa aynu ku gaadhi karnaa Xisbiga  WADDANI uun.”.

Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble oo isna dhankiisa halkaas ka hadlay, ayaa waxa uu cod dheer kaga dhawaajiyey erayo uu ku diidan yahay xisbiga KULMIYE isaga oo shacabka ugu baaqey in ay fartooda ku ridaan xisbiga KULMIYE.

“WADDANI ha guuleysto, KULMIYE na ha dhaco, KULMIYE ha dhaco. Waxa aan halkan idiin ka mahad-naqayaa in aad hormuud u tihiin hablahii Subeer Awal, Saaxil oo keliya maaha ee Subeer Awal oodhan baad hormuud u tihiin, Isaaq oodhan baad u tihiin, Somaliland oodhan baad u tihiin, waana aad ku mahadsan tihiin in aad maanta aad ku soo biirteen xisbiga WADDANI, waxaanan idiin sheegayaa in Xisbiga WADDANI idiin og yahay dhibbaatada idiin dheer, ninka ka saari doonaana waa Cabdiraxmaan Cirro uun oo ah nin reer Saaxil ah, isaga ayaana aynu codkeena siineynaa.”.Ayuu yidhi Xildhibbaan Siciid Cilmi Rooble

 Xoghayaha guud ee Xisbiga WADDANI Md.Maxamed Cabdillaahi Uurcadde oo isna halkaas ka hadlay, ayaa si aada u soo dhaweeyey haweenkaasi, waxaana uu yidhi: “Guud ahaan haween-weynaha reer Saaxil ee ku soo biiray xisbiga WADDANI ee aynu caawa(Xalay) u joogno xafladda soo dhaweyntooda, waxa aan lee yahay waxa aan idin ku soo dhaweynayaa kal iyo laab, walaalnimo, xisbigii nii, waxaanan idin lee nahay haddii aad KULMIYE ka soo baxdeen waxa aad timaadeen xisbigii nii oo caawa waxa halkan aad timaadeen ka Murashax ah nin hayin ah oo reer Saaxil ah oo qaranka Somaliland na in uu mideeyo diyaar u ah, awoodeeda na leh.”.

Guddoomiyaha ku meel-gaadhka ah ee Xisbiga WADDANI Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde oo ugu dambeyn soo gunaanadey munaasibaddaas soo dhaweynta ahayd, ayaa isna sheegay in reer Saaxil ay weligood ba hormuud u ahaayeen qaranka Somaliland isla mar ahaantaana uu maanta ugu baaqayo in codkooda ku ridaan xisbiga KULMIYE. “Caawa aad baan ugu faraxsanahay in aan ka soo qeyb-galo xafladdan ay marti-qaadka nooggu sameeyeen hablaha reer Saaxil oo ku soo biiray xisbiga WADDANI, reer Saaxiloow balanteenu waxa weeye yeynaan farteena mar dambe eersanin oo yaanay inaga noqonin KULMIYE KULMIYE ku bedel, wax dhici kara maaha. Geedkaa tiinka ah ee aynu bedelayno ma tiin baynu ku bedelnaa, jawaabtu waa maya, doorkan maanta ah yeyna inaga qaloocsamin, reer Saaxilow weligiin ba hormood baad ahaydeen , waana aanu og nahay dhibbaatada idin ku socota iyo qorsheyaasha qarsoon ee yaala haddii KULMIYE soo noqdo oo waxaas wax ka weyn baa soo socda se wax walba waxa aynu kaga aarsan karnaa waa farteena oo aynu ugu hiilno xisbiga WADDANI.”.Xildhibbaan Cabdiqaadir Jirde