Suurtogal Ma Tahay In Wasiirada Warfaafinta Iyo Gaashaandhiga Dacwad Lagu Oogo Oo Xabsiga La Dhigo?

0
774

Hargeysa(Geeska)-Maxkamadaha dalka ayaa damiin ku sii daayay saddex masuul oo siyaabo kala duwan loogu xidhay eeddo musuqmasuq oo uu hantidhawrka guud ee qaranku ku soo eedeeyay, ka dib baadhis uu sameeyay.

Maxkamadaha ayaa siyaabo kala duwan oo damiin ah ku sii daayay agaasimihii guud ee warfaafinta Dr. Cismaan Xuseen Warsame, agaasimaha maamulka iyo lacagta ee wasaaradda warfaafinta Xasan Xaaji Maxamuud iyo maareeyihii hore ee madbacada qaranka oo isagana si gaar ah loogu xidhay tuhun musuqmaasuq.

Xeer ilaaliyaha guud ee qaranka Xasan Axmed Aadan oo u waramay HCTV, ayaa ka horyimid in damaanad lagu sii daayo cid kasta oo loo haysto eeddo musuqmaasuq, “Annaga oo dabaqayna xeerka la dagaalanka musuqmaasuqa iyo hanti lunsiga ma leh damaanad, xeerkuna wuxuu dhigayaa inaanay lahayn damaanad iyo weliba iib, markaas maxkamaduhu waa inay dabaqaan sharciga oo marba cadaymaha loo keeno ku hoggaamiyaan oo ku saleeyaan lakiin maaha in xeer qoran ay ku buriyaan, iyaguna waa kuwii ilaalin lahaa sharciga iyo xeerarka dalkan.” Ayuu yidhi Xeer ilaaliyaha guud.

Ka sokow masuuliyiintan damaanadda lagu sii daayay waxa soo baxay warar sheegaya in hantidhawrku u gudbiyay xeer ilaaliyaha guud dalab uu ku weydiisanayo in dacwad lagu oogo masuuliyiinta wasaaradda wafaafinta iyo gaashaadhiga, gaar ahaan labada Wasiir ee Warfaafinta iyo Gaashaandhiga Cabdiraxmaan Guri-barwaaqo iyo Axmed Ciise Xawar, waxaana xeer ilaaliyaha oo ka hadlay arrintaasi uu yidhi  “Waxa jira dacwado uu noo soo gudbiyay hanti dhawrka qaranka Somaliland oo uu soo baadhay oo haddana yaala xafiiska, waana laba fayl middi wuxuu la xidhiidhaa wasaaradda warfaafinta oo lagu dacweynayo masuuliyiintaas, midka kalena waa wasaaradda gaashaandhiga oo iyagana lagu dacweynayo markaas labadaas Fayl way yaalaan xafiiska xeer ilaalinta qaranka. Markaas annagoo raacayna nidaamka sharci ee wadanka u degsan iyo distoorka markaas waa lagama maarmaan marka cid la dacweynayo qofkuu doono ha noqdee in eedaas loo soo jeediyay dib u eegis lagu sameeyo oo la lafo guro dhismaha dacwadaas xagga ay waafaqsantahay haddii ay noqon lahayd xeerka iyo lacagaha lagu eedaynayo inay is waafaqsanyihin.”

Waxa soo baxay oo suuqyada soo galay toddobaadkan in xabsiga loo taxaabay Wasiirka Warfaafinta Cabdiraxmaan Faarax Guri-barwaaqo, laakiin Wasiir Guri-barwaaqo ayaa markii ay wararkaasi soo baxeen lagu arkay isagoo munaasibad ka qayb galaya, waxaanu isagoo u jawaabay dad uu sheegay inay wararkaas faafiyeen uu yidhi “Halkan dad badan ayaa iga arkaya ilaa xalay waxbaa la werinayay, wax garad ciddi u sheegi mayso oo wuu arkayaa, qofkii maangaab ahna ciddi waxba u sheegi mayso.”

Laakiin Wasiirku, kama uu hadal eedaha musuqmaasuq ee loo jeediyay iyo dacwadda ka dhanka ah ee uu hantidhawrka qaranku u gudbiyay xeer ilaalinta guud ee qaranka.

Dhinaca sharciyada, waxa ay dad badani su’aalo iska weydiiyeen sida loo xidhi karo Wasiirada warfaafinta iyo gaashaandhiga, maadaama ay weli hayaan xilkii wasiirnimo ee qaranka. Garyaqaan Guuleed Dafac ayaa ka jawaabay su’aashaas, waxaanu yidhi “Wasiiir dacwad ciqaab ah ma lagu oogi karaa? Hadii Xeer-ilaaliyaha Guud ku qanco in wasiir galay fal dembiyeed oo ay tahay in la maxkamadeeyo, Xeer-ilaaliyuhu wuxuu ka codsanayaa Madaxwaynaha inuu xilka ka qaado si loo maxkamadeeyo isaga oo u gudbinaya Madaxwaynaha cadaymaha hor dhaca ee uu hayo. Hadii xilka laga qaadi waayo dacwad lagu soo oogi kari maayo ilaa inta laga qaadayo ama uu ka tegayo.”

Rayul caamka ayaa soo dhaweeyay baadhista hantidhawrka iyo weliba sida deg dega ah ee uu masuliyiinta uu baadhay ee uu musuqa ku helay ugu gudbiyay hay’adaha sharciga.

Si kastaba ha ahaate, waxa ay shacabku isha ku hayaan inay suurtogal noqoto in sharcigu shaqeeyo oo xilka laga qaado, xabsigana loo taxaabo labada wasiir ee warfaafinta iyo gaashaandhiga maadaam uu hantidhawrku u soo gudbiyay xeer ilaalinta eeddo musuq-maasuq iyo inay ka badbaadaan xadhig iyo ciqaab oo uu xadhigu ku koobnaado masuuliyiinta ka hoosaysa oo kuwa warfaafinta ee la xidhay damiin lagu sii daayay.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here