Burco (Geeska) – Waxa khamisitii magaalada Burco ee xarunta gobolka togdheer lagu caleemo saaray suldaan cusub oo ku soo biiray madax dhaqameedka Beelaha Arab. Suldaankan cusub oo lagu magacaabo Sudlaan Maxamed Ismaacil Jaamac (Foolgaawe) ayaa lagu caleemo saaray deegaanka Ceesha oo qiyaastii 10-Km dhanka waqooyi ka xigta magaalada Burco, waxaana suldaankan doortay beesha Cabdalle Arab ee Arab bari ee degta gobolka togdheer.
Munaasibada lagu caleemo saaray suldaanka waxa ka qayb galay in ka badan 20 madaxdhaqameed oo reer Somaliland, masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid ahaayeen, salaadiin, siyaasiyiin, culimo waxgarad iyo bulsho weyn kale oo tira badan.
Salaadiinta Beelaha Arab ayaa si weyn uga qayb galay munaasibadaas. Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir oo hor kacaayey madax dhaqameed ka tagay gobolka maroodijeex ayaa ka mid ahaa madaxdii dhaqanka ee ka qayb gashay.
Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, oo halkaas ka hadlay ayaa aad u soo dhaweeyay suldaanka cusub, waxaanu suldaanka ugu baaqay inuu iska ilaaliyo waxyaabaha dhaawaca saldanada iyo dhaqanka.
Suldaanka guud ee Beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed, oo isna halkaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay suldaanka cusub.
Sidoo kale waxaa munaasibadan ka qayb galy wasiirka beeraha, wasiirka diinta iyo awqaafta, gudoomiyaha gobolka togdheer, duqa magaalada Burco, agaasimayaal iyo masuuliyiin kale oo ka tirsan xukumada Somaliland.
Agaasimaha guud ee wasaaradda Beeraha Md. Cabdillaahi Ismaaciil Faarax, oo madasha ka hadlay ayaa guud ahaan u mahad celiyey cid kasta oo ka soo qayb gashay boqrida suldaanka, waxaanu ugu mahad naqay safarka dheer ee ay u galeen madax dhaqameedka goob jooga ahaa.
Suldaanka cusub oo isna halkaas ka hadlay ayaa umadii xafladda kala qayb gashay ka codsaday inay ugu duceeyaan in xilka Alle u fududeeyo.
Ugu dambayntii suldaanka cusub ee ku soo biiray salaadiin beelaha Arab ayaa lagu caano shubay, waxaana loo soo galbiyey magaalada Burco iyadoo munaasibad gaara loogu sameeyey Hotel Cigaal .