Hargeysa (Geeska)-Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi, oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madax-dhaqameedka Somaliland ayaa baaq u diray Xisbiyada iyo Golaha Wakiilada Doorashooyinka, waxaanu ku taliyey in midnimada iyo qaranimada Somaliland la ilaaliyo, oo laga feejignaado wax walba oo dhib keeni kara.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa sidoo kale Komishanka Doorashooyinka Somaliland talo u soo jeediyey, waxaanu ugu horeyn uu yidhi isagoo ka hadlaya Golaha Wakiilada “Golaha Wakiiladu waa Golihii Sharcidejinta, waa Golihii Wakiilka ka ahaa guud ahaan Shacabka reer Somaliland, meel kasta oo ay joogaan, Muddanayaasha Wakiilada ee joogana codkii Shacabka ayey ku joogaan, waxa looga baahan yahay in xilkooda si fiican u gutaan, balse haddii ay iyagu isku mashquulaan oo mar walba is khilaafan, oo arimo fudud oo la xalin karo isku qabsadaan, iskuna khilaafan waa ayaan daro, ee waxaan leeyahay oo aan ku talinayaa mar walba danta guud ee umadda eega, haddii 82 Xildhibaan aad Xisbiyo ka kala socotaan, haddana ogaada in aad guud ahaan Shacabka reer Somaliland Wakiilo u tihiin, waana u mahadnaqayaa cid walba oo khilaafkaas Golaha Wakiilada soo af jartay, ee midnimadeena iyo qaranimadeena aynu ilaashano, oo aynu ka feejignaano wax walba oo tacabkeena dhib ku ah”
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi,mar uu baaq u diraayey Xisbiyada ayaa yidhi “Doorasho ayaa inagu soo socata, dhawaana Doorashadii Madaxtooyada ayaa la galayaa, dabcan olalihii Xisbiyaduna dhawaan ayuu bilaabi doonaa, ee waxaan Xisbiyada kula talinayaa in tartankoodu ahaado tartan nadiif ah, oo Shacabka ha ku kala kasbadeen Barnaamijkooda Siyaasadeed, balse ha iska ilaaliyaan, wax kasta oo dhib keeni kara”.
Suldaan Maxamed Suldaan Xirsi-qani Cabdilaahi,mar uu baaq u diraayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanku waa uu madax-banaan yahay, waana u dhex Xisbiyada, waajibaad culus baa saaran, ee haddii ALLE yidhaahdo waa inay qabtaan Doorasho lagu wada qanacsan yahay oo xor iyo xalaal ah”