Suldaan Xasan Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Somaliland & Djibouti

0
515

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka Guud ee beelaha  Suber Awal Suldan  Xassan suldan  Cabdilaaahi oo shalay qaar ka mid ah warbaahinta Somaliland kula hadlaayey magaalada Hargeysa ayaa waxaa uu ka hadley xidhiidhka Somaliland iyo Djibouti.

1

Suldaanku waxaa uu sheegay in dawlada jabuuti iyo Somaliland ay walaalo yahiin balse ay  xidhiidhkaas wacan ee ka dhaxeeya labada wadan ay xadhkaha u jarayan   nin dibad joog ah oo taageero ka helaya Somaliland “Arimo la wal hinaayo  oo uu wado nin dibad joog ah oo aanan magacabeen bayac mushtarina ah oo cadaw ku ah dalka Jabuuti halkana inagu soo dhex tuuraya in laba shacbi ay maanta isku dhacaan adeer lanagu soo dhex tuuri maayo ayaan leeyahay isaga iyo inta la wada in Jabuuti iyo Somaliland caloobaan oo ay ka mid yahiin kuwii barigii dhaweyd saldanada faro fareynaayey ayaa hadana xagan  kale laftigeedii aynu wax ka dareemeynaa.” ayuu yidhi Suldaanku, isagoo intaas raaciyay “Shacbiga Somaliland iyo Jabuuti  waa walaalo cid isku diri kartaa ma jirto cid dhex gali kartaa ma jirto cid Somaliland dhexdeedana colaad uga sameyn kartaa inta aanu noolnahay  ma jirto  xaalna waanu ka bixineynaa arintan dhacdey ”