Burco Oo Yeelatay Laba Maayar Iyo Xildhibaano Eeddo U Jeediyay Wasiirka Hawlaha Guud

0
487

Burco(Geeska)-Toban (10) xubnood oo ka tirsan golaha deegaanka Burco oo uu hoggaaminayo maayar xigeenka Burco Maxamed Xasan Xoday, ayaa shalay maayar iyo maayar-xigeen cusub u doortay degmada Burco, iyagoo sheegay inay maayarkii hore xilkii ka qaadeen.

1

Khilaaf ba’an oo u dhexeeyay xildhibaanada golaha deegaanka Burco, ayaa gaadhay in la afduubo mid ka mid ah xildhibaanadii maayarka ka soo horjeeday.

Wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan ayaa gacanta isu saaray maayarka Burco iyo qaar ka mid ah xildhibaanada Burco, waxaana halkaas laga sheegay in laga heshiiyay khilaafkii golaha deegaanka ka dhex taagnaa.

Hase yeeshee toban xildhibaan oo ka mid ah golaha deegaanka Burco oo ay tiradoodu tahay 21 ayaa shir ay qabsadeen waxay ku sheegeen inay xilkii ka qaadeen maayarkii hore, iyagoo maayarna u doortay xildhibaan Cabdirisaaq Xuseen Obsiiye (Shiine Faliidh), halka ay maayar xigeena u doorteen maayar-xigeenkii hore Mr. Maxamed Xasan Xoday.

Wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan oo hadal kooban ka jeediyay halkaas, ayaa sheegay in laga heshiiyay khilaafkii dhex maray golaha deegaanka Burco iyo maayarka Burco. Hase yeeshee Xildhibaanadan maayarka cusub doortay ayaa eedaymo u jeediyay wasiirka hawlaha guud Cali Maxamed Xasan. Maayar-xigeenka Burco ayaa wasiirka hawlaha guud ku eedeeyay inuu kala qaybinayo golaha deegaanka Burco, iyagoo sheegay inuu sabab u yahay khilaafka golaha deegaanka Burco.

Geesta kale, maayarka ay sheegeen inay xilkii ka qaadeen Maxamed Muraad, ayaa isna deedefeeyay sharciyada ay xildhibaanadu ku doorteen maayarka cusub.