Suldaan Xasan Oo Diray Baaq Abaaraha Ku Saabsan

0
489

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan ayaa ka hadlay abaaraha dalka ka jira, waxaanu sheegay in aan loo baahnayn Hay’addo in wax laga sugo, ama baaq la diro, ee wuxuu ku taliyey in dadka ay abaaruhu ku hayaan bariga dalka in gurmad deg deg ah lala gaadho, oo aan la daawan.

1

Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi Suldaan Cabdiraxmaan oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tacsi u diray ehelkii iyo qaraabadii uu ka geeriyooday ALLE u naxariiste Maamulihii guud ee Dugsiyada Ilays Cali Diiriye Dugsiiye, waxaanu yidhi “Dadka ay Abaaruhu ku habsadeen uma baahna baaq, Hay’addo Caalamiya iyo wax la mid ah, ee waxay u baahan yihiin in wax la taro oo gacan laga geysto, oo wax ha la taro, qof walba oo wax taraana ajar iyo xasanaad buu ka helayaa, qolada gaadiidka ee dadkaas abaaruhu hayaan leh  lacag ayaan ka qaadaya waxaan leeyahay dadkiina u naxariista, oo bilaasha ku soo gura, waana in dadkeena jilicsan aynu u naxariisaana, hoosna u eegna oo wax tarnaa”.

Suldaan Xasan mar uu fariin u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Waa inaynu ILLAAHAY barina, ALLE bari ah inuu abaarta la ALLE inaga kaxeeyo oo uu Raxmadiisa ina siiyo waa in la iskugu soo baxa”.

Suldaan Xasan mar uu Tacsi u diraayey Qoyskii Maamulihii Dugsiga Ilays ee geeryiyooday ayaa yidhi “Geeridu waa xaq, qof waliba uu dhimayaa, waxaan tacsi u dirayaa ehelkii, qarabadii, qoyskii,ardaydii,bahda Waxbarashada iyo dhammaan Shacabka reer Somaliland ee uu ka geeriyooday ALLE ha u naxariiste Maamulihii Dugsiyada Ilays Cali Diiriye Dugsiiye oo xaqii u yimid, wuxuu ahaa shaqsi aad u wanaagsan, oo cibaadada ku wanaagsan ee waxaana ILLAAHAY uga baryayaa inuu u naxariisto, oo jannatul fardawsa ka waraabiyo”