Suldaan Rashiid-Bushaaro Oo Lagu Caleemo Saaray Kaam Haashim Iyo Nuxurka Khudbadihii Madasha Laga Jeediyay

12
1343

Hargeysa(Geeska)-Waxa khamiistii 2 August magaalada Kaam-haashim ee dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya lagu caleemo saaray suldaanka beelaha Arab ee deegaanka Soomaalida Itoobiya Suldaan Rashiid Aw Maxamed Xaaji Jaamac (Suldaan Rashiid-bushaaro).

Munaasibada caleemo-saarka suldaanka cusub waxa ka qayb galay salaadiinta beelaha Arab iyo weliba cuqaasha, kuwaas oo si rasmi ah Suldaan Rashiid ugu caleemo saaray xilka Suldaanimo. Waxa kale oo madasha joogay xildhibaano iyo masuuliyiin ka tirsan dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.

Suldaan Barre Xaaji Xuseen Caraale, oo ugu horayn munaasibadaas ka hadlay ayaa suldaanka cusub ku tilmaamay hoggaamiye ay umadu u baahnayd, waxaanu Suldaan Barre xusay in Suldaanka cusub uu ka cudur daartay xilkan markii la soo xulay, laakiin ay dadkiisu culays ku saareen inuu hoggaamiyo, “Hore ayaan suldaanka cusub ugu idhi, inaadeer waa looga baahanyahay deegaanka Soomaalida Itoobiya suldaan ee waxaad yeeshaa arrinkaas u soo diyaar garoow, wuu ka meermeeray oo wuxuu igu yidhi iga daa’  oday reer baan ahaye, Alle maalintuu qadaray ayaa maanta ah, maantana dabadaa laga soo kaxeeyay oo muu doonan, oo Arab ayaa dabada ka soo kaxeeyay.” Sidaas ayuu yidhi Suldaan Barre oo bulshada ka codsaday inay suldaanka cusub taageeraan oo la shaqeeyaan.

Suldaan Cabdillaahi Axmed Cilmi, oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa sheegay in dhaqan ahaan ay isla garteen in suldaanka deegaanka Itoobiya ee Arab uu noqdo Suldaan Rashiid, “Sidaas ayaynu ku caleemo saari doonaa, waxaanan kaa rajaynayaa Rashiidoow sidii awoowgaa midaynta dadka iyo isu soo dhawaynta umadda, waana inaad halkaas ka sii wadaa oo sidii awoowgaa aad reerka sidaas ku hoggaamisaa.” Ayuu yidhi.

Ugaaska Beelaha Arab Ugaas Axmed Cali Mahdi, ayaa isna yidhi  “Caleemo saarka suldaankeena guud ee dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, waa arrin loo dhammaa ood arkaysaan dhammaan salaadiintii iyo cuqaashii inay wada fadhido, waana arrin laga midaysanyahay, wixii laga midaysanyahay ayaa mid lagu noqdaa, waxaan laga midaysnayn qof ayuu noqdaa, kan waan ku midaysanahay.” Ayuu yidhi Ugaasku.

Suldaan Maxamed Ismaaciil Fool-gawe oo isna munaasibadda ka hadlay ayaa umadda ka dalbaday in loo duceeyo suldaanka cusub, “Duco iyo Alle  bari iyo wada tashi ayaynu isugu nimid waxaana  ka dhashay inaan caleemo saarano suldaan cusub oo aynu u soo dooranay suldaan Rashiid, waxaanu noqon doonaa kii khayr qaba ee ducadaas ka soo baxay.”

Suldaanka guud ee beelaha Arab Suldaan Cumar Suldaan Maxamed Suldaan Faarax, ayaa ugu dambayn suldaanka cusub caleemo saaray, waxaanu suldaan Cumar sheegay inay saaxiib iyo walaal ahaayeen labada waalid ee dhalay labadooda, “Aniga iyo Rashiid, labadayadii Aabo Alle haw naxariiste waxay ahaayeen walaalo iyo saaxiib dadka isaga dhow oo wada tashada, aniga iyo Rashiid oo ah suldaanka cusubna sidaas ayaanu u nahay walaalo iyo saaxiib gaar ah.” Ayuu yidhi Suldaan Cumar, waxaanu intaas raaciyay, “Cida qudha ee saldanada reerku ku tiirsanayd mudadaas ay jirtay waa Guulane, abaalkeediina waan celinayaa.” Ayuu yidhi, Suldaan Cumar oo hadal ku soo koobay  “Sidaas ayaan ku caleemo saarayaa Suldaanka cusub Suldaan Rashiid.”

Waxa iyaguna madasha ka hadlay Xildhibaan Bedel Cali Mataan oo ah xildhibaanka heer deegaan, iyo masuuliyiin iyo ganacsato ka socday dawlad deegaanka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo soo dhaweeyay suldaanka cusub. Waxa isna halkaas gabay duco ah ka jeediyay Abwaan Ismaaciil Jiheeye.

Suldaanka la caleemo saaray Suldaan Rashiid Aw Maxamed Xaaji Jaamac, oo ugu dambayn munaasibadaas ka hadlay ayaa madaxda dhaqanka iyo bulshada uga mahadceliyay dareenkooda, waxaanu sheegay inaanu markii hore diyaar u ahayn xilkan laakiin markii culays la saaray uu aqbalay “Masuuliyada aad ii doorateen mid aan ku tallo galay maaha oo qalbigayga ku jirtay waa mid aad ii garteen waanan idinka aqbalay.” Ayuu yidhi Suldaan Rashiid oo u mahadceliyay cid kasta oo gacan ka gaysatay abaabulka munaasibadda caleemo saarkiisa.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here