Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir Oo Ka Cadhooday Raaligalin Uu Boqor Buur Madow Siiyay Dawladda Jabuuti

0
926

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamad Suldaan Cabdiqaadir ayaa ku dhaliilay Boqor Buuradow in uu Faysal Cali Waraabe ka sheegay waxaanu odhan isla markaana uu ka bixiyay raaligalin aanu xaq u lahayn.                                                                                                                            Boqor Cismaan Buur Madow ayaa raaligalin ka siiyay dawlada Jabuuti hadal dhawaan uu ku duray Faysal Cali Waraabe, waxaana arintan ka xanaaqay suldaanka guud ee beelaha Somaliland oo ku tilmaamay Boqorka mid deg deg badan.

Ugu horayntii boqor Buur Madow oo raaligalintan bixinaayay waxa uu yidhi “ Waxaan raaligalin iyo xaal suuban aan doonayaa inaan siiyo madaxweyne Ismaacil Cumar Geele  waxa lagu tilmaamay nin umadan Soomaaliyeed  cadow ku ah, waxa lagu tilmaamay nin umadan Somaliland dhib ku haya nin Somaliland Somaliya uga eexda arinkaas raaliglain ayaanu ka bixinaynaa, Ismaacil Cumar Geele haduu walaalaha Soomaaliyeed wax taro Somaliland ayuun wax taray Soomaali oo dhan ayuu wax taray dabcan Somalilandna waxyaabo badan oo hiil ah oo sharaf ah ayuu u galay waa nin biyo ma daadshe ah waa nin sharaf naga mudan, oo markii ay Somaliya godka ku dhacday madaxweynaha kaliyaata ee inta afsoomaaliga ku hadasha madaxweyne la ictiraafsan yahay ah Somaliya wax badan ayuu isugu dayay, anagu ka beel ahaan iyo ka dal ahaanba wanaag badan ayaanu u tirinaynaa, waxaan aad iyo aad uga xumahay guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo aan ixtiraam badan u hayo oo aan raga aan taageero ku jira waxaan aad  uga xumahay inuu gabdhaa wax ka sheego oo gabadh umadan ka dhalatay oo Khadra Xayd iyo kuwa la midka ah inuu wax ka sheego,arimaha baasaboorka waxaan aad uga xumahay in Ismaacil Cumar Geele lagu aflagaadeeyo markii baasaboorkii Somaliya shaqayn waayay ee kii Somaliland ictiraaf waayay qof kasta oo xanuunsanaya si gurguursho ah ayaa loogu tagaa baasaboorka uu dhakhaatiirta ku tagaa waa baasaboorka Jabuuti.  Safiirka Somaliland joogaa maaha jaaryada Somaliland ka shaaysata waa diblamaasi dal u jooga xaqbuu u leeyahay dawladiisa waxii ku xun inuu ka difaaco.”

Suldaanka Guud Suldaan Maxamed Suldana Cabdiqaadir ayaa arintan si cadho leh uga hadlay waxaanu yidhi     “ Arinkaas uu ka hadlay Boqor Buur Madow waa eray gaf ah waana arin aad iyo aad u foolxun qofku waxa uu ku hadlay in saani loo sheego ayay ku wanaagsan tahay laakiin waxaanu hadalkaas ku soo qaadin marka laga sameeyo waan garanaynaa waxa ay ujeedadu tahay, boqor Buur Madow waa nin fudud fudaydka ayuunbaa u geeyay inuu sidaas u hadlo dhaqankana way ka baxsantahay, Faysal Cali Waraabe anaga ayaa xaal ka bixin karna isagu xaalna kama bixin karo farogalinta uu arinkiisa faraha galiyayna raali kama nihin.”

Suldaanku waxa uu raali galinsiiyay Fasyal Cali Waraabe  “ Boqor Cismaan dhaqankii ayaa ka maqan ninkuna haduu dhaqanka ka baxo oo uu erayo gaf ah yidhaahdo lama aamini karo boqorku cidii uu boqorka u yahay xaal ah ka bixiyaan Faysal anaga ayaa xaal ka bixin karna, waxaanuna leenahay wax ceeb ahna muu odhan.Faysal waxaan leeyahay raali ahow aniga oo suldaankii guud ee beelaha Somaliland ah xaal ayaan ka bixiyay ninkaas boqo Buur Modow waxuu ku hadlay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here