Suldaan Maxamed Oo Baajiyay Shir Uu Hore U Iclaamiyay, Raaligelina Ka Bixiyay Hadal Uu Yidhi

46
3066

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir ayaa sheegay in ay dib u dhigeen shirkii Beelaha Garxajis ee uu dhawaan ku baaqay isla markaasna waxa uu raali galin ka bixiyay hadal dhawaan uu kaga hadlay dagaalka beelaha walaalaha ah ku dhex maray gobalka Sanaag.

Suldaan Maxamed ayaa sidan u sheegay waraysi uu siiyay telefishanka HCTV,, waxaana ugu horayntii isaga oo baaqashada shirkaas ka  hadlaaya uu yidhi”Waxaan leeyahay shirkaas dib ayaan u dhigaynaa mana qabanayno imika iyo wakhti kale toona, ilaa aanu ka iclaamino wakhti danbe.”

Suldaan Maxamed oo raali galin bixinaayay waxa uu yidh i”Hadalkaygii haddii colaad loo qaatay waxaan ka bixinayaa raaligalin, ciddii aan dusha ka saaray raali iga ahaada ayaan leeyahay, anigu umaan jeedin reero ee maamulka xukuumada ayuun baan ku dhaliilayay, waxaan ka codsanayaa labadaas beelood ee dagaalku uu dhexdooda maray in ay dagaalka joojiyaan oo miiska wada hadalada ay toos u yimaadaan oo ay la kulamaan salaadiinta Somaliland oo dhan.”

Suldaanku waxa uu ka hadlay Somaliland”Somaliland waa muqadas maadaama oo aan ahay suldaankii guud ka bari jooga iyo ka galbeed jooga labadaba suldaan ayaan u ahay mana odhan karo waar islaaya xukuumadana hala taageero, madaxweyne Muusana waxaan leeyahay kii jira ee jooga Alle ha kaa dhigo.”

Suldaan Maxamed ayaa la waydiiyay in laba wiig oo isku xiga uu ku kala hadlo laba mawqif oo kala duwan sida uu u arko”waa dhab mar marbay neerfiska dadku uu kaa keenayaa inaad haadal kulul ku hadasho, laakiin hadalka kululi dhib malaha dadku waxbay ku qaataan sidaan anigu qabo dagaalkii halkaas ka dhacaayay hadalkaygii uunbaa joojiyay, ilaa maalintii aan hadlay ilaa maanta wax danbe reerii lagama soo sheegin, laakiin dadkan gudaha ku jira ee xukuumada wajiga kale u soo xidhanaaya ayaa waxan oo dhan ka danbeeya

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here