Hargeysa (Geeska)-Suldaanka guud ee beelaha Somaliland Suldaan Maxamed Suldaan Cabdiqaadir, ayaa Madaxweyne Siilaanyo ugu baaqay inuu talaabo ka qaado wasiirkiisa hawlaha guud Cali Maxamed Xasan (Mareexaan),oo uu ku eedeeyay inuu qas ka wado beerta Ilma Saleban Bidde, isagoo ku eedeeyay inuu jebinayo amar iyo go’aan uu hore Madaxweyne Siilaanyo uga soo saaray beertan.
Suldaanka guud oo uu dhinac fadhiyay abwaan Axmed Saleban Bidde, wuxuu wasiirka hawlaha guud ku eedeeyay inuu doonayo inuu fitno dhex dhigo dad ka tirsan reer Somaliland. Suldaan Maxamed oo madaxweynaha la hadlayaa wuxuu yidhi “Madaxwayne halkaasi (warqadan) waxa ku qoran go’an aad saxeexday adigu oo ka hadlaya beertii ilma Saleebaan Bidde , beertii halkii la jeexi lahaa ayaa la soo galiyey ciidan leh ma jeexi kartaan, waxaana waxa sameeyey Wasiirka Hawlaha guud Cali Mareexaan oo na hor taagaan, waxaana uu rabaa madaarka inuu qas ka dhaco beelaha Hargeysa deganina ay iskaga hor yimaadaan, anigu waxaan ku talinayaa wasiiradii arrintan galay way saxeexeen laakiin waxa arrintan cusub keenay wasiirkii hawlaha guud, wasiirkii ka horeeyey Cabdirisaq Khaliif qoraalkiisii ayaa lagu dhaqmay ninka maanta bedelayaana waa Cali Mareexaan, isaga ayaa meesha dhul ka raba anigu wax kale ku odhan maayee.”
Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi Suldaanku , “Mar haddii go’aankaagii la fulin waayay, anaguna fulin mayno go’aanka Cali Mareexaan oo dooni mayno inuu Somaliland inay iskaga hortimaado iyadoo nalagu kalifo mooyee markaa Madaxwayne waxaa ku leeyahay arrinkaas waa inaad si deg-deg ah wax uga qabataa, haddii kalena madaarkuna wuu xidhmi doonaa Hargeysana wax baas ayaa ka dhici doona anaguna wali waxaanu ku taaganahay amarkaagii iyo go’aankaagii. Ciddii jebisa waxba nagama gelin oo ka aqbali mayno, laakii ninkaas wasiirka ahi wuxuu foodda isku gelinayaa foodda reer Somaliland iyo beelaha dega.”