Labada Xisbi Mucaarad Iyo Madasha Wada Tashiga Oo Golaha Guurtida Uga Digay Inay Muddo Dhaafiyaan Wakhtiga Lagu Heshiiyay

0
603

Hargeysa (Geeska)-Xisbiyada Mucaaradka ee Waddani iyo UCID iyo Madasha Wada-tashiga Somaliland, ayaa Golaha Guurtida uga digay in aanay muddo kordhin dheeraad ah oo ka  badan todobada bilood ee lagu heshiiyey in aanay ku darin.

OLYMPUS DIGITAL CAMERA
OLYMPUS DIGITAL CAMERA

Aadan Axmed Cilmi Dhoolaye, oo ka tirsan Masuuliyiinta Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash) iyo Prof: Cabdisalaan Yaasiin, oo ka mid ah Masuuliyiinta  Madasha Wada-tashiga oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Beesha Caalamka ugu baaqay inay ixtiraaman heshiiska Xisbiyada ee ku saabsan dib u dhaca Doorashada.

Aadan Axmed Cilmi Dhoolayar, oo isagu ka tirsan Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa isagoo ugu horeyn baaq u diraya Golaha Guurtida wuxuu yidhi “Kolay anigu aragtiyada waxaan filayaa in mudada lagu heshiiyey muddo ka bedelan ama ka badan  inay aanay kordhin doonin Guurtidu, imika inay Doorashadu wakhtigii loogu talagalay oo ahayd inay bisha saddexaad ee sannadkan qabsoonto waa abaarta jirta, ee waxaan Golaha Guurtida kula talinayaa in mudada todobada bilood ah ee Xukuumadda, Xisbiyada Qaranka iyo Komishankuba raalida ka wada yihiin in aanay muddo ka badan aanay kordhin”.

 Aadan Axmed Cilmi Dhoolayare mar uu ka hadlaayey baaqa beesha Caalamka ee dhinaca Doorashada ayaa yidhi “Beesha Caalamka iyagoon wax badan ka ogeyn xaalada iyo duruufta dalka ka jirta, oo ay leeyihiin haddii sidaas yeeli weydaan sidaas ayaanu yeeli doonaa, mid qurux badan maaha, waxaana fiican inay Beesha Caalamka ku ixtiraaman sharciga dalka cida iska leh, wixii ay inagu caawinayaan waa halkeeda oo ha inagu caawiyaan, waana uga mahadnaqaynaa, balse dalkeena inaga ayaa ka masuul ah, dal walbana isaga ayaa tashada,oo haddii aynu inagu dan u aragnay in madaama abaarti wali jirto in Doorashada dib loo dhigo oo aynu ku heshiinay,heshiiskeena ha inoo tixgaliyaan”.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash) oo isna baaq u diraya Golaha Guurtida ayaa yidhi “Is fahan waa dheer kadib, waxa la isla qaatay oo Xisbiyadu ku heshiiyeen in todoba bilood Doorashada Madaxtooyada dib loo dhigo, Madaxweynaha iyo Komishankuna wey la qaateen, ee Odayaasha Guurtiduna waa inay iyana la qaataan, oo aanay waxba dhaafin wakhtigaas lagu heshiiyey, ILLAAHAYNA, waxaanu ka barayeynaa inuu intaas abaarta inagaga soo jabiyo, haddii kale oo abaartu sii socoto ALLE kama dhige, cid inaga hadhaysaa ma jirto”.

Afhayeenka Xisbiga Mucaaradka ee UCID Maxamed Xasan Khayre (Shabaash) oo ka hadlaya baaqa Beesha Caalamka ee dhinaca Doorashada ayaa yidhi “Wadan kasta nidaam iyo sharci buu leeyahay, isaga ayaa xukunkiisa u madax banaan, markaas waxaan leeyahay cid walba anaga ayaa dan moodnay in aanu todobada bilood Doorashada dib u dhignee, fadlan nagu ixtiraama waxaanu dan u aragnay, oo waxaanu ka naxayna dadkayga dhibaataysan ee aan Doorashada gali karine”.

Prof:Cabdisalaan Yaasiin oo isna ka tirsan Masuuliyiinta Madasha  ayaa isagoo baaq u diraaya Guurtida  yidhi “Guurtidu maaha inay awooda Dastuurka sida ay doonto u adeegsato, oo waxa lagu heshiiyey oo Madaxweynuhu saxeexay in Doorashada la galo bisha tobanaad, oo waxaynu ogeyn in muddo kordhintoodii hore la isku qabsaday oo markii dambe Maxkamadu goysay wakhtiga Doorashadu qabsoomayso, markaas Madaxweynihii ayaa isagu hore u sheegay in aanu maalin ku darsan doonin, markaas Guurtida waxaan leeyahay madaama uu Madaxweynuhu markii horeba diidaana in loogu daro muddo kale, maantana dantu keentay, wakhti dheeraad ah ha ku darina wakhtigaas lagu heshiiyey, kamana filayo inay muddo kordhin dheeraad ah ku darayso, Guddoomiyaha Guurtiduna waa kii yidhi wali namay soo gaadhin warqadii ee waxaan ku rajo weynahay in Doorashadu haddii ALLE idmo inay ku dhacdo bisha tobanaad ee sannadkan, ALLENA abaarta khayr iyo nimco ha inoogu bedelo”

Prof:Cabdisalaan Yaasiin oo baaqa beesha Caalamka ka hadlaya ayaa yidhi “Dimuqraadiyada cid inoo tilmaamaysa ma jirto, oo weynu ku dhaqanaa, ee inaga waxa inaga dhiman dawlad wanaag iyo maamul wanaag, waxaynu ku heshiino ee dan aynu moodnay, ee dadkeenu intay isku yimadeen ay dan u arkeen in la tixgeliyo weeye, maxa yeelay weynu damqanaynaa, oo waxaynu arkaynaa in dadkeeni abaari hayso, oo baahi hayso, oo dadkii wey barakaceen, oo meelihii loogu talagalay inay ka codeeyaan wey ka dhaqaaqeen, markaas dadka oo gaajo haysa, oo dhibaataysan, oo abaaroobay ma codeyn karaan, markaas in dadkaas loo shaqeeyo, loo gurmado oo la caawiyo weeye, markaas Beesha Caalamka waxaan leeyahay dhaqankayga maaha in dadkayga oo dhaxani hayso, gaajo hayso, abaari hayso, oo dhiban in aanu Doorasho galno ee marka aanu iyaga badbaadino, ee abaartu baxdo haddii aanu isla garanay in Doorashada la galo maaha inaad ka hor timadaan, ee waa inaad nagu taageertaan”.