Suldaan Cusub Oo Lagu Caleemo Saaray Magaalada Hargeysa

0
611

Hargeysa(Geeska)-Xaflad balaadhan oo caleema saar ah ayaa loo qabtay Suldaan Cumar Ibraahin Muxumed oo loo caleema saaray inuu ka mid noqdo salaadiinta reer Somaliland.

Caleema saarka Suldaankan cusub ayaa ah mid si weyn loo soo agaasimay waxaana halkaas ka soo qaybgalay cuqaal,madaxdhaqameed, odayaal iyo dhalinyaro tiro badan, waxaana halkaas ugu horayntii ka hadlay  Caaqil Muxumed Aw Ibraahin X Aadan  waxaana haaladiisa ka mid ahaa"Alle xilka hawfudueeyo, kii cadaalad wax ku xukuma ee ay ka muuqatana alle ha ka yeelo"

Intaas kadib waxa isaguna halkaas ka sheegay inay soo dhawaynayaan suldaanka cusuab Jiif Caaqil Xasan Axmed Guuleed"Waxaynu soo dhawaynaynaa suldaankeenan Suldaan Cumar oo hada ku biiraya salaadiinta Somaliland, waxaan leeyahay alle ha kula qabto xilkaas."

Sida oo kale waxa halkaas laga yidhi"Ninkastaa isaga ayaa dantiisa og anagu hadaanu nahay Cabdiraxmaan Sacad, dantayada ayaanu ognahay waanu baadi doonay oo waanu xulanay, dhaqan wanaagsan oo aanu waligayo lahayn ayaanu ku shaqaynay halkan waxaanu ku dooranay nin masuul ah oo dhalinyaro ah, qiimo leh, mutacalin ah oo iimaan leh kaas oo la yidhaahdo Cumar Ibraahin Muxumed Cabdilaahi Yaasiin."

Ugu danbayntiina waxa xafladan soo xidhay suldaanka cusub ee la doortay Suldaan Cumar Ibraahin Muxumed Cabdilaahi, waxaanu u mahadnaqay dadkii goobta isagu yimi isaga oo u duceeyay dadka iyo dalkaba "Waxa mahadleh marti sharafkan cuqaasha, madaxdhaqameedka iyo dhalinyarada soo ajiibay xafladii laygu caleemasaarayay, alle culayska abaarta Somaliland dhamaanteed ha ka dulqaado, talada wanaagsan hayna waafajiyo."

Waxaana xafladaas lagu soo gabo gabeeyay caleemsaarka ay beesha Suldaankani caleemsaaranaysay ay ku caleemasaartay Suldaan Cumar Ibraahin oo ah nin dhalinyaro ah.