Suldaan Aadan Oo Soo Jeediyay In Guddiga Mus-danbeedka Ah Lagaga Gudbo Wada Tashi

0
568

Hargeysa (Geeska)-Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo ka mid ah Madax-dhaqameedka iyo Salaadiinta Somaliland ayaa ku taliyey in xaalad walba oo soo kordha lagala tashado labeenta bulshada iyo madaxda dhaqanka.

Suldaan Aadan Faarax Cumar, oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale Madaxweynaha ku taliyey inuu wada tashiga badiyo, waxa kale oo uu ka hadlay abaarta, waxaanu ku taliyey in la sii wado gurmadka dadka ay abaartu hayso, waxaanu ugu horeyn yidhi  “In wax walba oo dalka ku soo kordha in laga tashado, oo Madax-dhaqameedka, Xukuumadda, Axsaabta, Siyaasiyiinta iyo Aqoonyahanada in loo soo bandhigo oo lala tashado, waxna la weydiiyo ayaa haboon,laakiin maaha in cid gaar ahi isku koobto, waxaana xaqiiqo ah in wax walba ay inoogu hagaagayaan wada tashi, waanan maqlayaa in la yidhi Madaxweynaha ayaa Guddi Komishanka la shaqaysa magacaabaya, kolay hadalo wey ka soo baxeen, waxna waa la iska weydiinayaa, laakiin waxa qurux badan in Sharciyada loo eego, waxaana Madaxweynaha leeyahay oo aan kula talinayaa inuu wada tashiga badiyo, inuu talaabo walba oo uu qaadayo Dadkiisa,

Aqoonyahankiisa,madax-dhaqameedkiisa iyo Asaxaabtiisa inuu la tashado, oo uu wax weydiiyo ayaa haboon, sidaas ayeyna Madaxweyne wax walba inoogu hagaagayaan, Nabiguna CS wuxuu yidhi mar walba shuuraysta, oo wax is weydiiya, ”. ayuu yidhi Suldaan Aadan oo la weydiiyay sida u u arko guddiga mus-danbeedka ah ee uu madaxweynuhu sheegay inuu ku xoojinayo guddiga doorashada.

Suldaan Aadan mar uu ku talinaayey in la ilaaliyo danta Shacabka ayaa wuxuu yidhi “Xukuumadda iyo Xisbiyadaba waxaan leeyahay waxaynu nahay dal aan wali aqoonsi hel, ee waxaan soo jeedinayaa, oo aan ku talinayaa in mar walba danta Shacabka la ilaaliyo, oo dantooda wax walba laga doorbido lagana ilaaliyo wax walba oo dhib u keenaya ayaan ku talinayaa, haddii aanu nahay Madax-dhaqameedkii Shacabka reer Somaliland, dhib yar uma ogolin dadka iyo dalkaba, talaabo walba oo dhib  ku ahna ma ogolin kamana aamusayno ”.

Suldaan Aadan mar uu ka hadlaayey Abaarta ayaa wuxuu yidhi “Waxaan shalay (doraad0 u baxay Hawadka, dhulka miyiga, ah halkaas oo aanu Ceel soo furaynay, abaartu wali waa sideedii, Roobku wuu curtay, balse wali Roob badani muu di’in, wali dhibaatadii abaartuna wey taagan tahay dadaal badana wey u baahan tahay, Ceelkana waa mid ay dadku u baahnayeen, waxaana ugu horeyn uga mahadnaqayaa ALLE oo inoo suurgaliyey, mar

labaad waxaan uga mahadnaqayaa Madaxweynaha, Wasaaradda Biyaha, Guddida Abaaraha iyo cid walba oo gacan ka geysatay,waxaana Guddida Abaaraha leeyahay si fiican baad hawsha gurmadka u wadaan ee gurmadka sii laba jibaara, dadkana waxaan leeyahay ILLAAHAY ha laga cabsado, oo ha la isa saamaxo, marnaba naxariista ILLAAHAY kama maarane”.