Suldaaan Xasan Suldaan Cabdillaahi Oo Golaha Guurtida Ugu Baaqay Inaanay Dalka Gelin Khilaaf Siyaasi Ah

0
567

Picture2Hargeysa(Geeska)-Suldaan Xasan Suldaan Cabdilaahi,oo ka mid ah Madaxdhaqmeedka Somaliland,ayaa ka hadlay guud ahaanba Xaaladda dalka si weyna u soo dhaweeyay  go’aankii Komishanka Doorashooyinka,Suldaanka oo war qoraal ah ku baahiyay barta Xidhiidhka Bulshadda ee Facebooga.ayaa sidoo kale talooyin kala duwan usoo jeediyay golaha guurtida.

Waxaana uu qoraalkaasi u dhignaa sida tan:

1.Marka hore illaahaybaa mahad leh idaylkeed marka xiga gudiga doorashoyinka Somaliland oo gutay waajibaadkoda loo igmaday ee asteeyay xiliga doorashada soona saaray jadwlka rasmiga ah ee sharcigu siiyay baan u mahad celinaynaa maadama aanay cid kale la wadaagin maamulida iyo asteynta xiliga doorashada waxa kale oon uga mahad celinayaa siday uga hawl galeen talo bixintii 19bisha oo ahayd war laga sugaayay in badan.

 2.Madaxweynaha jsland waxaan kula dardaarmayaa inuu ugudbiyo jadwalka komishanku usoo gudbiyay kuna adkeeyo maadama aynu ka fogaanayno khal khal iyo khilaaf dalka ku yimaad inuu raali buuxda ku yahay dhankiisa jadwalkan oo axsaabtuba raali ku noqdeen dhamaana soo dhaweyen duruuftan inay guurtidu ku jaan goyso wakhtiga loo asteeyay kordhinta muda xileedka xukuumada mudo hal sano ah oo doorashadu ku dhacayso sicad ugu qeexdaa si aan guurtidu u qardo jeexin adigoo tixgalinaaya deganaanshiyaha dalka iyo qaranka.

 3.Golaha guurtida maadama oo khilaafkii daarnaa dhawaaqa  komishanku inaga damiyay waa inaydaan daarin muran danbe maadama oy khusayso oo kaliya muddo kordhintu guurtida mar hadii cidii uxilsaarayd doorashadu jadwalkii dhigeen laguna raacay waa inaad dabaqdaan tix raacdaan mudada halka sano ah ee farsamo ahaan loo qorsheyay.

 4.Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland gudo iyo debadba waxaan ugu baaqayaa in lasoo dhaweeyo mar hadii eebe inaga saaray khilaafkii soo jiray in mudo ahba loona wada guntado in sidaa lagu wada hawlgalo cidii xagal daac ku keentana meel uga soo wada jeesanaa.

 Fiiro gaara. Madax dhaqameedka dalku waa inay shiishka ku hayaan cidii wax yeelo ku keenaysa xasiloonida dalka.

Gaba gabo.

 Golaha guurtida oo ah gole dasturiya qaabilsana dhaqanka.nabad gelyada.siyasada oo wali ku fadhiya nidaamkii saxeexii beelaha oo guud ahaan ragii hore loogu xulay dhowr xildhibaan kanoolyiin intiina kalena aad ku timaaden jagoyinkii banaanaday waxa umadu eegaysaa sida aad yeeshan waana laidinkula xisaabtamayaa ha u daymo la.aanina ogaada talaabadad qaadaysaan in xisaabi daba taal.”