Eng Maxamed Xaashi Iyo Xasan Guure Oo Soo Dhaweeyay Muddaynta Cusub Ee Doorashooyinka, Farriin Adagna U Diray Golaha Guurtida Somaliland

0
535

Picture3Hargeysa(Geeska):-Siyaasiyiinta ku bahoobay Madasha wada-tashiga Somaliland ayaa soo dhaweeyey go’aankii maalin ka hor ay ku dhawaaqeen gudida doorashooyinka qaranka Somaliland ee ku saabsanaa wakhtiga ay qabanayaan doorashooyinka madaxtooyada iyo aqalka golaha wakiilada Somaliland oo ku beegan Kowda Juun 2016ka, waxaana ay fariin adag ay u direen golaha guurtida Somaliland oo ay uga digeen in muddo intaa ka badan ay guurtidu u kordhiso xukuumada hada jirta oo wakhtigeedu ku eekaa badhtamaha sanadkan. Iyaga oo sida oo kalena ku baaqay in la isagu yimaado shir qaran oo lagaga tashado xaalada siyaasadeed ee dalku maraayo.

Siyaasiyiintan ayaa hadalkan ka sheegay shir-jaraa’id oo ay shalay ku qabteen magalaada Hargeysa, waxaana sida oo kale dhaliilo xoogan u soo jeediyeen golaha guurtida Somaliland iyaga oo ku eedeeyey in ay sifo sharci darro ah ay ku fadhiyaan golahaasi. Waxa kale oo tilmaameen in aan hadda waxii ka danbeeya aan loo dulqaadan doonin muddo kordhin mar walba loo sameeyo xukuumada hadba markaa talada dalka haysa.

Guddoomiyaha madasha wada-tashiga Somaliland Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in xukuumada hada jirta iyo labada aqal ee guurtida iyo wakiiladaba ay ka dhamaatay muddo xileedkii uu dastuurka u ogalaa, waxaana uu tibaaxay in loo baahan yahay in lagu dhaqmo shuruucda iyo xeerarka u yaala dalka Somaliland.

"In la qabto doorashooyinka wakhtigaa ay qabteen komishanka doorashooyinku waxba kama qabno, waxa se aanu ka qabnaa kumaa loo kordhinayaa ma ninkan hawshiisii gabay, oo muddo shan sanadood ah ku qaban waayy doorashada, ma waxaa loo kordhinayaa baarlamaankan tobanka sanno fadhiyey ee xeerkii lagu dooranayey samayn kari waayey, ma waxaa loo kordhiyey ninkan guurtida ee samayn waayey oo laba goor oo ay wakiiladu sameeyeena iyagu soo celiyey, waxaanu se ka taaganahay mawqifkii hore ay madashu uga taagnayd ee ahaa ha la sameeyo wada-tashi qaran.”.Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Mujaahid Xasan Guure Jaamac, oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi.“Guurtidu ma kordhinayo, saddexda gole ee dalka ka taliya, saddexdaba Laba imika waa ay ka dhan tahay oo waa xeer dejinta, guurtida iyo wakiilada labadaba waa ay ka dhan tahay. Illaa hadma ayeynu sharci darro wadaynaa Riyaale ayaa ahaa, Cigaal ayaa loo kordhiyey kana miyeynu wadaynaa, oo maynu nidhaahno sideed sanno ha hayaan sideed sanadood hadaynu siinana way dhaafi doonta, illaa goorma ayeynu soconaynaa oo aynu ahaanaynaa umad soconaysa oo aan xisaabtamayn, guurtida qayb badan oo ka mid ah ayaa biilka caruurtooda lagu aamini waayey, ma kaas ayaa wax idiin dooraya, maxaad badaha isagu daadinaysaan haddii aad dhalinyarta tihiin?, waxa weeye haddii xeer lagu dhaqmo dalku waa uu idin ku filan yahay.".Ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac.

Eng.Maxamed Xaashi Cilmi oo isaguna sida oo kale halkaasi ka hadlay, ayaa sheegay in loo baahan yahay in laga fiirsado waxii qaranka Somaliland dhibaato u keeni kara isaga oo ka digay muddo kordhin ay guurtidu u samayso xukuumada hada jirta.

"Waxaa loo baahan yahay in maanta laga fiirsado waxii dhibaato inoo keenaya oo guurtidan intaas oo qof ka hadhay ee iyaduba xaq darro ku wada joogta, waxa weeye qodobka 43 ayaa qeexaya marka ay aafooyin dhacaan ayuunba la qaban karaa muddo kordhin, aafooyina may dhicin, wax dhacay oo aafooyin ahina ma jiraan, laakiin hawl ay ka soo bixi waayeen ayaa abaal gud looga dhigayaa in mudaddii loo kordhiyo, Guurtidu 82mudane ayaa ay ahayd Laba iyo Toban ayaa ka soo hadhay, 12kaa ka soo hadhayna Afar waa bukaan jiif, sideed baa ka soo hadhay, waxa weeyaan guurtidu waxaa ay ku buuxsantay waa dhaxal tooyo, dhaxal tooyana sharciga meel ay kaga jirta ma jirto,.".Ayuu yidhi Eng.Maxamed Xaashi Cilmi.

Mujaahid Axmed Ibraahim oo isna ka mid ah siyaasiyiinta ku bahoobay madasha wada-tashiga iyo toosinta qaranka Somaliland, oo ugu danbeyntii halkaasi ka hadlay, ayaa isna dhankiisa waxaa uu tilmaamay in loo baahan yahay in la qabto shir qaran oo lagaga wada-tashanaayo aayaha iyo mustaqbalka Somaliland si loo helo ayaa uu yidhi dawlad loo dhan yahay oo dalka ka hirgalisa doorashooyin xor iyo xalaal ah.

"Su'aasha meesha ku jirta waxa weeye dawlada meesha maamulaysa waayo, waa in ay noqotaa mid loo wada dhan yahay, illayn iyaga tii hore ayaa nagu filan in ay noo qabanayso iyo in kaleba aanu ku baranayee, waa in dawlad loo wada dhan yahay oo gobalada oo dhan, gaar ahaana gobalada darafyada ee aan dawlada saamigoodii iyo waxaas aan ku lahayn ee cabanaaya iyo dhamaanba cid kale oo kasta oo ay khusayso sida waxgaradka, culimo awdiinka, beelaha iyo madaxdhaqameedkaba, in la isagu yimaado shir balaadhan oo qaran oo lagaga wada tashado, dawladii doorashada qaban lahayd, ayaanu ku baaqaynaa oo aanu leenahay waa sida kaliya ee doorasho xaq iyo xalaal ah wadankan looga qaban karo.".Ayuu yidhi Mujaahid Axmed Haybe.