Hargeysa(Geeska)-Wasaaradda deegaanka, biyaha iyo beeraha ee boqortooyada Sucuudiga ayaa Arbacadii toddobaadkii ina dhaafay soo saartay go’aan rasmiya oo ay ku mamnuucayso in xoolo looga dhoofiyo dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya, waxa aanay ku sababaysay xaalado caafimaad darro oo ka soo kordhay xoolaha Soomaaliya.
Go’aanka wasaaraddan oo xoolaha nool maamulkoodu hoos tagaa, waxa uu ku caddaa warqad rasmi ah oo xafiiska wasiirka ka soo baxday 8dii Bisha Saddexaad ee 1438 taariikhda Hijriyada, kuna beegnayd 7da bisha Laba iyo Tobnaad 2016ka, ujeedadeedana laga dhigay ‘Go’aan xayiraad ku-meel-gaadh ah’
Wasiir Cabdaraxmaan Bin Cabdilmuxsin Al-Fadli waxa uu go’aankiisan xayiraadda xoolaha Soomaaliya (Oo Somaliland ku jirto) ku sheegay in uu u cuskaday awoodihiisa xileed, iyo xeerka u yaalla maxjarrada dalalka Iskaashiga dawladaha khaliijka Carabta, kadib markii sida uu qoraalkiisa ku sheegay wasiirku uu agaasimaha waaxda xoolaha nool ee wasaaraddiisu ku soo wargeliyey in ay soo noqnoqotay in dib loo celiyo xoolo Soomaaliya laga keenay oo buka, kuwaas oo ay ugu dambeeyeen 2’975 (Laba kun, Sagaal boqol iyo Toddobaatan iyo Shan) neef oo dibi ahayd oo la celiyey bishii hore, kadib markii khubaro caafimaadka xoolaha ku xeeldheeri shaybaadho ay ku sameeyeen ku arkeen xaalado ah xanuunka lagu magacaabo ‘Xumadda dooxada Rift’ (Rift Valley Fever) iyo xanuunka qoobkaiyo afka ku dhaca ee afka Ingiriisiga lagu yidhaahdo (Foot-and-mouth disease).
Wasiirka deegaanka, biyaha iyo beeraha ee dalka Sucuudigu waxa uu go’aankiisan ku sheegay in uu sababahaas caafimaad ee soo noqnoqday awgood u gaadhay go’aan ka kooban saddex qodob oo ah:
– In si ku-meel-gaadh ah loo joojiyey xoolaha Soomaaliya u dhoofiso Sucuudiga.
– In Waaxda maamulka xoolaha iyo dhirta ee wasaaraddu ay si gaar ah ula socoto warbixinnaha ku saabsan caafimaadka xoolaha Soomaaliya ee ka soo baxa ururka Caalamiga ah ee caafimaadka xoolaha oo magaciisa loo soo gaabiyo (OIE) iyo warbixinaha ururrada kale ee caalamiga ah ee xoolaha la xidhiidha.
– In go’aankan la gaadhsiiyo maxjarrada xoolaha ee ka furan furdadaha iyo irridaha ay xooluhu ka soo galaan Sucuudiga, iyo sidoo kale dhammaan haayadaha dawladda ee arrimahani khusaynayaan