“Madaxweynaha Maan Arag Oo Jaanis Umaan Helin Ilaa Bishii July, Taasna Waad Iska Garan Kartaa Sababtay Ku Dhici Karto”

0
461

Hargeysa(Geeska)-Wasiirkii hore ee biyaha Md. Baashe Cali Jaamac, ayaa sheegay inuu sugayo inuu madaxweyne Siilaanyo arko oo uu dhagaysto gartiisa, maadaama oo looga geeyay warar sababay inuu xilka ka qaado.

1

Wasiir Baashe, oo warbaahinta la hadlay wuxuu ka war-wareegay inuu saro boogaha siyaasadeed ee sababta u noqday xil ka qaadistiisa, isagoo sheegay inuu ka war sugayo rag door ah oo uu horkacayo wasiirka arrimaha gudaha Md. Faratoon oo dedaal ugu jira inay is arkaan Wasiir Baashe iyo madaxweyne Siilaanyo.

Wasiirka oo arrintan ka hadlayaa wuxuu yidhi  “Madaxweynaha maan arag oo jaanis umaan helin ilaa bishii July oo si gaar ah isu aragno inaanu gole isugu nimaadno mooyee, taasna waad iska garan kartaa sababtay ku dhici karto, waxa la yidhi hadaad aragto nin caloosha laga soo riday oo uu ku yidhaahdo hebel ayaa I dilay, malaha kii kalena dhimaye ka kalena in la waraysto way fiicnaan lahayd.”

Wasiir Baashe oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Intaasi way jirtaa inaanan madaxweynaha jaanis u helin oo uu dhinacayga dhagaysto, anigu rag kale ayaanu is qabanay, mar dambe ayaanan arrintan faahfaahinteeda iyadoo dhammasytiran ka hadli doonaa, ma jecli inaan hadda madaxweynaha jaraa’idka farriin u mariyo oo rag badan oo wasiirul daakhiliga iyo acyaanta dalku ka mid yahay ayaa ku hawlan. markaas in madaxweynuhu dhinacayga dhagaysto waan jeclaan lahaa.”

Baashe oo la weydiiyay in xil ka qaadistiisa ay sabab u ahayd wasiirka madaxtooyada Maxamuud Xaashi Cabdi oo ay is qabteen wuxuu yidhi “Aniga Maxamuud xilna iima dhiiban, hadduu ka dambeeyayna anigu taas ku dambaabi maayo, laakiin wixii Maxamuud Xaashi looga baahanyahay waxaan filayaa inaad Xamsoow[weriyaha] taqaanidee isaga warayso.”