Sucuudiga Oo Somaliland Dib Ugu Soo Celiyey Markab Sida Xoolo Ka Badan 16 Kun Oo Neef

0
658

 

Burco (Geeska) – Dawladda Sucuudi Carabiya, ayaa Somaliland dib ugu soo celisay Xoolo ka badan 17 Kun oo Adhi ah.

Xoolahan oo markii hore ka dhoofay Dekedda Magaalada Berbera ee Somaliland isla-markaana gaadhay dalka Sucuudiga, ayaa dib loo soo celiyey, waxaana Markii Siday xoolahaasi uu ku soo jeedaa dhinaca Dekedda Berbera.

Sidaana waxa sheegay Xuseen Jaamac MAxamed (Xuseen Dhuluh) oo ka mid ah Ganacsada  xoolaha oo Telefiishanka HCTV kula hadlay Magaalada Burco Isniintii Shalay.

“Sidaad ogtihiin waxa Sucuudiga ka soo socda Markab Rarran oo buuxa, kaasi oo ka baxay Berbera Toddobaadkan, Markabkaasi wuxuu ku soo beegan yahay Somaliland oo Abaar ah oo aan dayri ka di’in, xoolahaasi waxay u baahan yihiin Biyo macaan iyo xanaano, markaa Dawladda waxaanu leenahay markabkaa ha loo gurmado sidii xoolahaa loo bedbaadin lahaa.”

Ganacsaduhu wuxuu sheegay oo kale “Waxa soo hadaafaya Markab 16 ama 17 kun oo neef sida, khasaarahaasina Somaliland buu u yaallaa ee Soomaaliya waxba kuma qabto. Waxa intaa ii raaca xoolaheena la soo celiyo ma bukaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa is waydiin leh maxaa Xoolaha loo soo celinayaa, Xoolaha Bukaanka laga helayaa way jiraan, laakiin Xoolahaasi waa kuwa Soomaaliya iyo kuwo Kililka shanaad ee Webiga ka cabba ee Kaneecadu cunto, Biyahana yaxaaska la cabba, Xoolahaas ayaa laga helaa Rift Valley, Sambab, buruseela..”

Ganacsaduhu wuxuu sheegay in Xoolaha ka yimaadda Soomaaliya iyo Kililka shanaad oo Xanuuno qabaa ay Somaliland soo galaan, laakiin Maxjarrada Berbera ku yaalla si ku talo-gal ah u sii daayaan iyagoo Xanuun qaba, sidaasi darteed wuxuu Madaxweynaha iyo Laamaha kale ee Dawladda ugu baaqay inay arrintan wax ka qabtaan, maaddaama buu yidhi Xoolaha Caafimaadka qaba ee Somaliland lagu khaldayo kuwa deegaannada kale ka yimaadda ee mara Maxjaradda Somaliland.

 

Geeska.net/Hargeisa Office