Sucuudiga Oo Ka Guuray Tirsiga Taariikhda Hijriyada, Hadda Kadibna Ku Dhaqmi Doona Sannadka Milaadiga Ah

0
663

Riyaad (Geeska)- Wasaaradaha xukuumadda boqortooyada Sucuudiga ayaa laga soo bilaabo Axaddii toddobaadkan dhaqangeliyey tirsiga sannadka Miilaadiga ah iyaga oo ka guuray tirsigii hore ee Hijriyada oo uu dalkaasi ku soo dhaqmayey tan iyo aasaaskii boqortooyada oo hadda laga joogo 86 sano, kadib markii uu golaha wasiirrada ee dalku sidaas dhowaan go’aamiyey.

War uu Geeska Afrika ka soo xigtay shabakadda Russia Today ayaa lagu sheegay in hadda kadib haayadaha kala duwan ee dawladdu ay ku shaqayn doonaan taariikhda miiladiga ah, isla markaana mushaharooyinka iyo heshiisyada shaqo ee ay gelayaanba ku salayn doonaan, in kasta oo ay jiraan shaqeel ku cabanaya in u guurista taariikhda miilaadigu ay keenayso in ay waayaan ugu yaraan bil badhkeed mushaharkii ay sannadka qaadanayeen, taas oo ku imanaysa kala duwanaanshiyaha labada taariikhood ee Miilaadiga iyo Hijriyada ee xagga tirada maalmaha oo sannadka Hijriyadu uu 15 Maalmood ka yar yahay sannadka miilaadiga ah.

Go’aanka ay boqortooyada Sucuudigu kaga guurtay tirsiga taariikhda Islaamiga ah ayaa ka mid ahaa go’aamo door ah oo golaha wasiirradu dhowaanahan soo saarayey, kuwaas oo uu sidoo kale ka mid ahaa in la joojiyo ama wax laga beddelo qaybo ka mid ah lacagihii gunnada iyo abaal marinaha loo siin jiray shaqaalaha dawladda, in wax laga beddelo qandaraasyada shaqo iyo in sannadkan cusub ee hijriyada shaqaalaha loo samayn doonin mushahar kordhintii sannad kasta loo samayn jiray marka heshiiska shaqada loo cusboonaysiinayo.