Biyaha magaaladu hesho maanta waxaa laf-dhabar u ah ceelal laasas ah oo laga dhex faadhfaadho togga dhinaca koonfureed ka mara magaalada ee loo yaqaan "Durdurka". Biyaha Durdurka laga soo dhaamiyo waa biyo wiyeer ah oo xilli roobaadka tiradooda iyo tayadooduba ka fiicantahay xilliga roobku ka raago toggan. Taariikh ahaan intii aan meesha la magaalayn Durdurku wuxuu ahaa bar kulan geelu ka cabbo, waana meesha magaalada magaceeda laga soo dheegtay maadaama geela Laasaska ka cabbaya caano badan laga lisi jirey. Maanta biyaha magaaladu ka dhaansato Durdurka waxaa lagu qiyaasa 2,500 oo foosto maalintiiba. Biyahan oo booyado yaryari soo daabulaan dadka jeebkoodu fiicanyahay waxay u isticmaalaan nadaafadda iyo dhir beerista oo keliya, halka ay cunta karinta, dhar maydhista, af-cabka iwm u isticmaalaan biyaha berkadaha oo inta badan laga soo dhaamiyo tuulooyin magaalada u jira 30km iyo ka badan, marka laga reebo xaddi aan badnayn oo dadku xilli roobaadka ku qabsadaan majaroorka guryahooda.
Biyaha berkadaha oo dadku u yaqaan "Xareedda" waxaa laga siiyaa magaalada $2.5 foostadii, marmarna waxayba gaadhaa $4. Biyaha Durdurka iyaga waxaa magaalada laga siiyaa $1.25 foostadiiba, taasoo ka dhigaysa $6.25 shantii foosto ama 1 m3. Sidaasoo ay tahay haddana biyaha Durdurka iyo kuwa berkadahaba nadaafaddooda aamin lagama aha maadaama aysan helin fayo dhowr ku filan. Waxaa iyaduna jira ceelal gacanta lagu qoday oo magaalada gudaheeda ka qodan oo inta badan xilligan dhulka uun lagu rushaysto, ceelshani qaarkood ma biyo yara waxaase lagu cilleeyaa in aan looga aamin qabin in ay musqulaha magaalada isu furanyihiin.
Waagii dawladdii hore jirtey magaalada waxaa ku jirey biyo-gelin laga soo jiiday ceelka Cali Barre oo ah ceelka ugu faca weyn uguna biyo badan ceel-gacmeedyada magaalada gudaheeda ka qodan. Beri dambe oo ku beegnayd bilowgii sagaashanaadkii waxaa magaalada biyo gelin ku sameeyey hay'ad ka mid ah hay'adaha Qaramada Midoobey oo biyaha ka soo jiiday ceelka Goojacadde oo magaalada 7km Waqooyi Bari kaga beegan. Inkasta oo biyaha Goojacadde ay aad u adkaayeen haddana mar haddii ay qasabad ku imanayeen aad baa loogu badhaadhay. Hase ahaatee nasiib darro, mashruucan waxaa durbadiiba ragaadiyey maamul xumo ba'an iyo musuqmaasuq baahsan oo hadheeyey maamulkii markaa gacanta ku hayey. Haddana markale, muddo hadda qiyaastii sanad iyo badh laga joogo waxaa magaalada biyo sahamin balaadhan ka bilaabay shirkad ay ku bahoobeen shirkado labaatan ku dhow oo deegaanka ka soo jeeda.
Shirkaddan oo la baxday Nugaal Inc. waxay hawlgalkeeda ku bilowday dardar xoog leh, waxay kulmiyeen dhaqaale xooggan, maamul tayo leh iyo abaabul bulshadeed taasoo ay ku kasbadeen waqti yar gudihii taageerada bulshada oo aad uga soo dhowaysey dibad iyo gudaba. Mar aan wax ka waydiiyey guddoomiye kuxigeenka shirkadda Cabdi Geelle oo isagu ka mid ah qurbajoogta dalka dib ugu soo noqday, cidda shirkaddan maalgelisay? wuxuu ku dooday: "waxaanu midaynnay ganacsatadii dibadda iyo tii gudaha, si aanu isula helno waaya-aragnimada dadka gudaha sii joogey iyo dhaqaalaha kuwa dibadda u baxay"
Shirkaddu waxay markiiba ka bilowday magaalada hareeraheeda biyo sahamin balaadhan iyadoo raadinaysa biyo tayo iyo tiraba ku filan dadka iyo duunyadaba, sida ay ku sheegeen qoraal ay xilligaa faafiyeen. Tayada biyuhu marka aad joogtid Laascaanood waa su'aasha ugu badan ee la is waydiiyo, maadaama magaaladu ku taallo deegaan wada dedib ah oo biyahiisu wiyeer yihiin. Waana ta keentay had iyo jeer in la is waydiiyo suurta galnimada in la heli karo biyo tayo ahaan loo isticmaali karo baahiyaha guriga oo dhan iyada oo aan loo baahan in reerku shubto labo biyood oo kala nooc ah.
"Shirkaddu waxay samaysay biyo sahamin balaadhan oo socotay sanad iyo badh oo ay ku raadinaysey biyo tayo iyo tiraba ku filan dad iyo duunyo" sidaa waxaa hadalkiisa ku daray guddoomiyaha shirkadda Jaamac Cabdillaahi mar uu ka hadlayey shirkii bishii hadda dhammaatay lagu daahfurayey biyo sahaminta mashruuca SDF oo ka dhacay magaalada Laascaanood. Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi: "Waxaanu soo iibinnay riig casri, tiraba saddex ceel oo tijaabo ah baanu qodnay, si aanu u ogaanno tayada iyo tirada biyaha goobaha aanu sahaminnay, waxaanu ku bixinnay mashruuca biyo sahaminta oo aanu wadney sanad iyo badhan lacag gaadhaysa $388,000".
Mar aan wax ka waydiiyey Cabdi Geelle inay wax guul ah ka gaadheen biyo sahamintoodii iyo in kale? wuxuu ii sheegay in ay guul la tabaan karo ka gaadheen sahankoodii oo ay maanta hayaan ceel tayada biyihiisu aad u fiicantahay isla markaana tiro ahaan dabooli kara 40% biyaha magaaladu isticmaasho hadda.
Haddiiba aad idinku sahaminta biyaha hore u bilowdeen ma ka qayb qaadanaysaan mashruuca sahaminta biyaha ee dawladdu hadda bilaabayso? Su'aashan waxaan markale waydiiyey Cabdi Geelle. Wuxuuna ku jawaabay: " Maya, annagu tartarka mashruucan kama aanaan qayb gelin, sababtuna waxay tahay in aanu fursadda siinno bal in ay timaaddo cid wax nagu dhaanta, waaba intaasoo ay keenaan wax dhaama inta aanu haynno annagu maanta".
Ugu dambayntii, wasiirka khayraadka biyaha ee Soomaaliland mudane Xuseen Axmed Cabdulle wuxuu bishii Oktoobar 29 keedii 2014 ku daahfuray magaalada Laascaanood mashruuc balaadhan oo lagu sahaminayo biyaha magaalada.
Maxamed Faarax oo ah guddoomiyaha mashruucan wuxuu sheegay in mashruuca SDF uu yahay sanduuq ay leedahay dawladda Somaliland oo ay ka caawiyaan dawladaha Yurub si loogu hormariyo biyaha, waxbarashada iyo caafimaadka dalka oo dhan. Mashruucan oo sida la sheegay dhaqaale badan lagu bixinayo waa kii ugu horreeyey ee noociisa abid dawladi ka hirgeliso magaalada Laascaanood. Mashruuca oo ka kooban labo qaybood oo kala ah sahaminta biyaha iyo qodista ceelal tijaabo ah waxaa la filayaa in dawladdu dhowaan ka bilowda magaalada Laascaanood iyo hareeraheeda ilaa 30km sida uu shirkii daahfurka ka sheegay mudane Xuseen wasiirka khayraadka biyaha ee Soomaaliland.
Haddaba waxay iswaydiintu ka imanaysaa, bulshada reer Laascaanood oo sida laga warqabo arimaha siyaasadda ku kala aragti duwan, sida ay u arki karaan hirgelinta mashruucan?
Dadweynihii ka hadlay kulankii lagu daahfurayey mashruuca guud ahaan aad bay u soo dhoweeyeen, waxayse walaac ka muujiyeen in uu mashruucu dhexda ku kufo maadaama Hargeysa iyo Laascaanood masaafo dheeri u dhaxayso, iyagoo malaa maskaxda ku sii haya mashaariic badan oo Soomaaliland isku dayday in ay deegaanka ka hirgeliso oo ugu dambayntii noqday "cadkii idinkana idinka yimi annagana aan na soo gaadhin" Dadka qaarkood waxay rumaysanyihiin in guusha laga gaadho mashruucan iyo kuwa la midka ahi ay wax weyn ka bedeli karto aragtida dadka qaarkood ka qabaan dawladda.
Guntii iyo gebagebadii, su'aashu waxay tahay dawaladdu ma ku guulaysan doontaa hirgelinta mashruucan oo tirada khataraha ku iman karaa ay ka badanyihiin tirada fursadaha uu ku guulaysan karo? Allow sahal.
Waxaa Qoray: Yaasiin Cali Maxamed
Laascaanood