Khatarta Lix Beenood Oo Ah Malo-Awaal Ay Dhalinyaradu Inta Badan Naftooda Ugu Sheekayaan Guurka Hortii (Q:3)

0
692

Picture8Hargeysa (Geeska)- Waa qaybtii 3aad uguna dambaysay qormadii uu wargeyskan Geeska Afrika akhristayaashiisa kula wadaagayey lix fikradood oo ay xeel-dheerayaasha cilmiga bulshadu sheegeen in dhalinyaradu guurka ka hor aaminsan yihiin, balse ay yihiin fikrado been ah oo marka dambe ee ay guursadaan ay soo taabtaan xaqiiqadooda, beenahaas oo ka bilaambaya lambarka shanaad waxa ay kala yihiin:

5. Jacaylka ayaa bogsiiya khilaaf kasta oo yimaadda, isaga ayaana keena is-fahamka: Waa khalad kale oo ay aaminsan yihiin dhalinyarada guur meerka ahi. Khubarada cilmi nafsigu waxa ay aaminsan yihiin in lammaanaha oo aad ugu kala duwanaada afkaarta iyo aaminsanaantu ay bar bilow u tahay is khilaaf iyo muran aan dhammaan si kasta oo ay isu jecel yihin. Waxa ay khubaradu sheegeen dhalinyarada qaar dhiiranaanta mataankooda ay ku arkaan iyo xataa madax-adayga in ay u arkaan astaan fariidnimo oo ku sii dhiiri gelinaysa jacaylka iyo isku xidhnaanta. Laakiin guurka kadib waxa ay tani ku noqotaa bukaan iyo dhib ay adag tahay in qoyskoodu ka badbaado.

6. Waa in aan waxba la kala qarsan guurka ka hor iyo kadibba: Waa aragti kale oo ay dhalinta qaar ku marin habaabeen, laakiin waxa hubaal ah in runta oo dhan oo la isu sheego ama wax kasta oo nolosha ku saabsan oo la isu sheegaa ay tahay khad cas oo halis gelinaya dhismaha qoyska. Arrinta muhiimka ahi waa in aynu ogaanno in is cafiska iyo isu dulqaadashada arrimaha qaar aanay kuba jirin qaamuuska guurka, gaar ahaan in aanay gabadhu sinaba ku cafiyi karin in ay ogaato ninkeeda oo xidhiidh la leh gabadh kale, ninkuna sidoo kale. Waxa ay arrintan halisteedu sii badan tahay marka lammaanaha midkood lahaa xidhiidho hore oo kan kale xantiisa ogaa. Khubarada cilmiga bulshadu waxa ay qabaan in ay qalad tahay in lammaanaha midkood isaga oo ku andacoonaya waxba lama kala qarsado uu kan kale uga sheekeeyo wax kasta oo ku saabsan jacayl hore u soo maray, waxa ku filan in uu sheego in xidhiidhkaasi jiray haddana uu dhammaaday, balse aanu tafaasiil kale sii gelin, waxa ay khubaradu si gaar ah uga digeen ragga in ay ka waramaan haba yaraato ee xidhiidhadoodii hore ama ay xataa xaaskooda u sheegaan gabadh kale oo ay ka heleen. Dhammaad.