Soonka Iyo Sixada (11): Qaladaadka Cuntada La Xidhiidha Qofka Sooman Ka Dhaca Afurka Iyo Suxuurta Dhexdooda Iyo Dhibaatada Ka Dhalan Karta

0
862

Hargeysa (Geeska)- Qormooyinkan taxanaha ahaa ee aynu kaga hadlaynay qaladaadka dhinaca cuntada la xidhiidha ee qofka ka dhaca bisha soonka waxa aynu hore ugaga soo hadalnay, qaladaadka dhaca afurka iyo kuwa xilliga suxuurta dhaca, sidoo kale waxa aynu ka soo hadlanay, dhibaatada qaladaadkaas ka dhalan karta, cuntooyinka labadaa xilli ku habboon iyo talooyinka ku habboon.

Qormadan oo kuwaas hore uun xidhiidh la’ leh waxa uu Geeska Afrika ku eegayaa qaladaadka dhinaca cuntada ah ee qofka ka dhaca waqtiga u dhexeeya Afurka iyo Suxuurta, dhibaatada ay caafimaadka awoodda soonka ee qofka ku keeni karaan, xalka iyo talooyinka ku habboon.

– Dad badan ayaa marka ay af-furaan si degdeg ah u bilaaba cunista mac-macaanno kala duwan oo ay weliba xaddi badan ka cunaan. Haddaba waxaa muhiim ah in aynu ogaanno in mac-macaannada kala duwan iyo cuntooyinka uu dufanku ku badan yahay ama dufanka cabba (Sida baradhada shiilan ‘Jibiska, Quraaca, Saambuuska iwm. In qofku qaabkan yeelaa waa qalad inta badan ku keena miisaankiisa oo kordha, iyo khatarta ah in uu macaan ama dhiig kar ku dhaco.

Khubarada cuntadu waxa ay ku talinayana in qofka soomani uu cuntadiisa ku bilaabo Timir iyo cuntooyinka macaanka dabiiciga ah leh.

– Dagaal saacado badan qaatay oo uu qofku naftiisa ku xakamaynayey si ay u dhamaystirato soonka oo ay uga saahiddo cuntooyinka iyo wax yaabaha kale ee soonku reebay, kadib ayaa uu qofku isaga oo faraxsan marka uu afuro durbadiiba bilaabaa in uu cabbo cabbitaannada baraarujiyeyaasha loo yaqaanno oo ah kuwa ay ku jirto maaddada Caffeine sida shaaha iyo bunka iwm.

Haddaba waa in aynu ogaanno in cabbitaannadan oo xilliga soonka dhaqso loo cabbaa ay khataro waaweyn ku keento caafimaadka. Tusaale ahaan shaahu waxa uu jidhka ka xidhaa awooddii ahayd in uu nuugo/jaqo xadiidka dhiiggiisu u baahan yahay ee ku jira. Arrintani waxa ay hab-dhiska neerfaha ku keentaa culays badan oo dhibaato ku ah.

Khubarada caafimaadku waxa ay ku talinayaan in qofku uu shaaha iyo bunka cabbo illaa laba saac kadib afurka, in aan xilliga Ramadaankii la badsanna waa ay ku talinayaan.

– Dhaq-dhaqaaqa maalintii: Dad badan ayaa aaminsan in xarakaadka badan ee maalintii uu qofku sameeyaa ay sababayaan in dheefshiidku dhaqso u ridqo cuntadii ku jirtay, taasina ay keenayso gaajo iyo harraad, sdiaa awgeed waxa aad arkaysaa iyaga oo xilliga soonka aad uga caga jiidaya socodka iyo hawlaha jidhka xarakaadka ku keenaya. Haddaba waxaa xaqiiqo ah in xarakaadka jidhka oo la yareeyaa ay badiso caajiska iyo burburka jidhka, waxa aanay aakhirka caqabad ku noqonaysaa shaqada hab-dhiska dheefshiidka, arrintaas oo aan caafimaadka dheefshiidka ku habboonayn.

Dhakhaatiirtu waxa ay ku talinayaan in maalinnimada soonka uu qofku xarakaad sameeyo, tusaale ahaan jimicsiyada jidhka qaarkood oo subaxda hore la sameeyaa waxa ay firfircooni ku abuuraan hab-dhiska neerfaha, waxa aanay dardar geliyaan wareegga dhiigga, taas oo u fiican caafimaadka wadnaha iyo xididdada dhiigga, isla markaana la hubo in aanay dhibaato ku keenayn qofka sooman.