Soomaaliya Oo Gashay Xaalad Hubanti La’aan Ah, Ka Dib Markii Dagaalkii Siyaasadeed Isku Rogay Gacan Ka Hadal

0
568

Muqdisho (Geeska) – Dalka Soomaaliya, ayaa galay Xaalad Jaho-wareer ah, ka dib markii Habeen hore iyo Shalay subax uu dagaal dhex maray Maleeshiyaad ilaalo u ah Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya iyo Ciidammada Dawladda.

Habeen hore

Abbaaro 1:00 Habeennimo ayaa Ciidammada Dawladda ee loo yaqaano Haram-cad waxay weerar ku qaadeen Ciidamo ilaalo ka yahay Huteelka Maa’ida oo ku yaalla Magaalada Muqdisho, kaasi oo ay degganayeen Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee ah Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, taasina waxay keentay inuu dagaal Qarxo, dagaalkaasi oo muddo socday ayaa waxa la sheegay inay ku dhinteen Askar dhinacyadii dagaalamayey ah.

Shalay Subax

Gelinkii hore ee Shalay waxa Magaalada Muqdisho isugu soo baxay Dibed-baxayaal ay soo abaabuleen Musharraxiinta Madaxweyne-nimo ee Soomaaliya, kaasi oo lagu dalbanayey in doorashada la qabto, maaddaama oo Madaxweyne Farmaajo uu muddo-xileedkiisii dhamaaday.

Laakiin, Mudaharaadkaasi ayaa waxa hor-joogsaday Ciidammada Dawladda oo adeegsaday Hubka noocyadiisa kala duwan, halkaana waxa ka qarxay dagaal culus, kaasi oo u dhexeeya Maleeshiyaad u abaabulsan Difaaca Musharraxiinta iyo Ciidammada Dawladda.

Labada dhinac ayaa isku adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la sheegay inay ku dhintaan dagaalkaasi illaa 4 Askari oo labad dhinac ah, waxaana jira Khasaare Dad shacab ah oo uu waxyeeleeyay Hubka culus ee la isku tuurayey.

Midowga Musharraxiinta Soomaaliya oo dibed-baxyadan u abaabulaya inay Madaxweyne Farmaajo culays ku saaraan inuu doorashada qabto ama ogolaado dalabaadkooda iyo kuwo Maamul-gobolleedyada, ayaa Madaxweyne Farmaajo ku eedeeyay inuu masuul ka yahay dagaallada Muqdisho ka dhacay Habeen hore iyo Shalay gelinkii hore.

Laakiin, Raysal-wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo Shalay ka hadlay, ayaa sheegay in dagaalka koowaad Qarxay markii Maleeshiyaadka taabacsan Musharraxiintu ay weerarreen Ciidammada Dawladda oo Magaalada loogu daadiyey inay amniga sugaan.

Mudane Rooble ayaa nasiib-darro ku tilmaamay “in iyadoo la joogo sanadkan 2021 uu qof sheegto inuu qabsaday magaalada Muqdisho, uuna sheegay in ayna dowlad jirin”.

Waxaa uu intaa raaciyay in dagaalka habeen hore uu ku bilowday weerar lala beegsaday ciidamada dowladda.

Waxa Xusid mudan in Maleeshiyaadka taageersan Midowga Musharraxiintu ay haystaan meelo ka mid ah Magaalada Muqdisho, arrintaasi oo muujinaysa heerka Xaaladda Soomaaliya ku jirto iyo khatarta muuqata, haddaan xal laga gaadhin muranka ka taagan doorashada.

Mudada xilheynta Madaxweyne Maxamed Cabdillaahi Farmaajo oo afar sano ahayd ayaa ku ekeyd 8-dii February. Mucaaradku waxay sheegeen inayna Madaxweynaha aqoonsaneyn. Dowladdu se waxay sheegtay in madaxweynahu xilka heyn doono ilaa inta laga dooranayo maamul cusub.

Ma jiro waqti la og yahay oo ay doorashadu dhici doonto.

 

Geeska.net/Hargeisa Office