SOMTEL Oo Daah-Furtay Adeegyada Xog-Doon Iyo Abaal-Marinta Macmiilka

0
1156

 

Picture2Hargeysa (Geeska) – Shirkadda Isgaadhsiinta ee SOMTEL, ayaa daah furtay labada adeeg oo ay u soo kordhisay Macaamiisheeda iyo guud ahaan shacabka Somaliland.

Shir-jaraa’id

Madax Xidhiidhka Dadweynaha Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi iyo Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda SOMTEL iid Muuse, ayaa shir-jaraa’id oo ay Khamiistii ku qabteen xarunta guud ee shirkadda ee Magaalada Hargeysa kaga dhawaaqay inay macaamiisha SOMTEL u soo kordhiyeen labada adeeg oo kala ah adeeg loogu Magac daray (XOG-DOON), kaasi oo ah in qofka Telefoonka SOMTEL sitaa uu kala socon karo wararka, dhacdooyinka kala duwan ee adduunka, qiimaha Ascaarta, sarifka iyo guud ahaan wixii xog ah ee macmiilku u baahnaa.

Sidoo kale, waxay daah fureen adeegga loogu magic daray (ABAAL-MARINTA MACMIILKA), adeegaasi oo ah adeeg shirkadu sheegtay inuu yahay su’aalo ay macaamiisha ka waydiinayso telefoonadooda SOMTEL oo hab fariin ahaana qofku u codsanayo, marka uu si sax ah uga jawaabayana uu helayo abaal-marin qiimo leh, sida Computer, Mobile iyo qalab kale.

Madax Xidhiidhka Dadweynaha ee Shirkadda SOMTEL Khadar Cabdiraxmaan Cabdilaahi oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay  ayaa Sharaxaad ka bixiyey haananka Adeeggan Casriga ahi u shaqaynayo “Dhamaan macaamiisha SOMTEL meel kasta oo ay joogaan waxaanu ugu bushaaraynaynaa adeegyo cusub, kuwaas oo ay ka mid yihiin adeegga ABAAL-MARINTA, waana adeeg loogu tala galay bulshadu inay ka faa’iidaystaan oo aanu ku bixin doono had’yaddo kala duwan, waana adeeg joogta ah oo bishiiba  hal mar aanu ku xulanayno macaamiisha nasiibkoodu siiyo inay ku  guulaystaan abaal marintaas, waana adeeg aanu ugu tala galnay inaanu bulshada dib ugu celino faa’iidada, waxaanu noqon doonaa  barnaamij aad u xiiso badan iyada oo abaal marinta la helayo ay ka mid yihiin Laptop, Mobile Smart Phone ah iyo  3G, waana abaal marino aanu ugu tala galnay inay macaamiisha SOMTEL ka faa’iidaystaan meel kasta oo ay joogaan”

Madaxa Suuq-geynta ee Shirkadda Somtel iid Muuse, oo isna ka mid ahaa Masuuliyiinta SOMTEL ee adeegyada soo bandhigay ayaa yidhi isaga oo sii faahfaahinaya adeegga Abaal-marinta iyo Weliba adeegga Xog-doon  “Waxa noo caado ah haddii aanu nahay shirkadda isgaadhsiinta Somtel inaanu dhawrkii biloodba anaga oo ka jawaabayna baahida macaamiisha aanu soo kordhino adeegyada ka turjumaya baahida suuqa taala, Adeegyo hore oo fara badan ayaanu sii daynay, maantana (Khamiistii) laba adeeg oo cusub  ayaanu la diyaar nahay, kuwaas oo kala ah adeegga ABAAL-MARINTA MACMIILKA, kaasoo noqon doonaa mid joogta ah oo bishiiba mar macmiilka lagu abaal marin doono, waxaana lagu  helayaa abaal marin alaab ah iyada oo macmiilku ka jawaabayo saddex su’aalood oo kala duwan kuwaas oo mid kasta lagu heli doono abaal marin gaar ah, haddii uu macmiilku ka soo jawaabo su’aasha koowaad waxa uu heli doonaa Smart Phone, jawaabta labaadna waxa lagu helayaa Laptop, halka su’aasha saddexaadna lagu helayo  3G (Internet Flash), waana mid ka mid ah fal celinta dadka macaamiisha noo ah, anaga oo eegayna danta macaamiisaha”

Iid Muuse, waxa uu sheegay inaan tartankan loo ogolayn shaqaalaha Daahabshiil Group “Tartanka looma ogola inay ka qayb qaataan shaqaalaha shirkada Dahabshiil Group oo dhan” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray isaga oo si gaar ah uga hadlaya adeegga XOG-DOON “Adeegga Xog-doon waxa uu kuu sahlayaa inaad si fudud uga bogato xogaha iyo macluumaadka ay xanbaarsan yihiin ila wareedyada caalamka jira oo dhan, Dhammaan wararka kala duwan ee aad u baahato iyaga oo luuqado kala duwan ku qoran iyo wararka gobolada oo dhan, ascaarta, waana adeeg aanu u aragnay inuu bulshada u leeyahay faa’iido badan”