Somaliland: Xagey Ku Socotaa Shan Iyo Labaatan Sannadood Ka dib?’W/Q: Xamse Cabdiraxman M. Maal.

0
778

Bishan May 18-keeda Somaliland wax ay jirsanaysaa oo u buuxsamaya 25 gu . Badi dadka reer Somaliland maalintan oo kale aad baa ay u qiimeeyaan, oo waxa wejiyadooda laga dareema shucuur aad u weyn oo waddaninnimo. Haddaba, waxa is weyddiin mudan sababta shacabka Somaliland mar kasta oo gu u buuxsamo madaxbannaanidooda oo ku beegan sannad kasta 18 May looga dheehdo maalintaa foolashooda shucuur waddanimo ee aanay u jirin shucuurtaasi maalmaha kale?

1

Haddii, haddaba, aynnu rubuc qarni ku soo wadnay in muwaadinka Somaliland ahi uu 18 May uun muujiyo waddaniyaddiisa iyo dal-jacaylkiisa muwaadinnimo, wax ay astaan u tahay in aynaan bulsho ahaan aqoon waddaninimada oo aynnu u fahannay oo keli ah xuska iyo isu-soo-baxa May. Taas aniga oo ka duulaya wax aan jecel ahay in aan ugu horrayn qeexo macnaha ama mucda waddaninimada muwaadinnimo ee muwaadinka. Aan soo qaato ugu horrayn Rashiid Sheekh Cabdillaahi iyo bal sida uu u qeexay muwaaddinimada buuggiisa Adduun Iyo Taladii, wuxuu yidhi qoraagu : “ Muwaaddininimadu ,markeeda hore ba, waa xidhiidh ka dhaxeeya qofka iyo bulshadiisa; bulshadu na ,marka ay bulsho noloshu midayso tahay, waxay wadaagto ee ka dhexeeya waxa u horreeya ama u mudan dalka (ogow ma aha taasi dhiig iyo dhalasho iyo oday lagu wada abtirsadee) . Midda kale ,muwaadin dhab ah, sida lagu noqdaa ma aha afka oo laga sheegto  ama hadallo xaashi lagu qoro; dastoor lagu qoray kuma dhalato ku ma na dhammays-tiranto. Sidaa owgeed muwaaddinimada casrigan laga qiyaas-qaadan karayaa waa ta ka jirta ee ay ku dhisan tahay bulshada qaranka ummadeed (nation state) ee dalalka adduunku maanta badi ba ku dhisan yihiin ama (qaarkood) ku dayanayaan.”

Qoraagu wax uu inoogu sheegay muwaaddinimadu in ayna ahayn mid tolniimo oo lagu abtirsado ee ay tahay mid ka dhaxaysa bulsho kala duwan se ay midayso nolosha iyo dhulku. Waxa kale oo uu sheegay muwaaddinnimadu in ayna ahayn mid afka uun laga sheegto. Sida ay xaaladda hadda ee bulshadeennu tahay, taasi oo ah muwaaddinimo  18 May ku kooban iyo muwaadinimo iyo dal jacayl afka aan dhaafsanayn oo uurku ka madhan yahay.

Bal Rashiid Gadhweyne iyo mar kale aynnu ku noqonno buuggiisa, waxa uu hadda inoo qeexayaa Rashiid waxa waddan yahay iyo waxa muwaadin yahay. Wuxuu yidhi: “ Waddan iyo muwaaddinnimo sugani waxay ku xidhan yihiin qaran bulshadiisa ku dhaqa caddaalad. Caddaaladda aanu ka hadlayno waxaannu uga jeednaa muwaaddiniinta oo uu qof waliba qarankiisa  ka helo wixii uu mutaysto. Maxaa muwaaddiniinta dhex-yaal ee ay tahay in qaranku caddaalad ku sooro  oo uu qof wal ba ka siiyo inta uu mutaystay ? waxaa ka mid ah soo-galka dhaqaale, waajibaadka iyo xuquuqda dadnimo, awoodda xukunka iyo talada dalka, qabashada xilka iyo iyo martabada.”

Somaliland sannadkan way rubuc qarni jirsanaysaa. Sannad walba bisha May 18keeda xus baa loo sameeyaa madaxbannaanida Somaliland; xuskaasi oo magaalooyinka qaar si weyn looga dareemo; qaarkood si gaabis ah qaar kale na aan lagaba xusin. Sababaha keensaday kala duwaanshaha dalka ee maalintanna waxa aad si fiican uga fahmi kartaa qeexidda sare ee waddan iyo muwaadin. Taasi oo ay ka mid tahay bulshada Somaliland oo wixii muwaadinno loo siman yahay aasaas u ahaa aan ka wada helin qaranka haddii ay tahay caddaalad, sinnaan ama saami.

Somaliland waa qaran rubuc qarni jiray. Waxa mudan in aynnu isweyddiinno laba weyddiimood, 1. Rubuc qarni dhan xaalad side ah buu inoogu dhammaaday? Maanta waxa aynnu nahay dal u dabbaaldegaya in uu 25 jirsaday intuu uu xornimadiisii dib ula soo laabtay haddana, caasimadiisu weli biyo la’ dahay! Dal dhan oo caasimadiisu weli xarumo caafimaad lahayn oo la isku aammino oo kuwa ugu sarreeya dalku marka ay xanuunsadaan dibada loola cararo! Dal dhan oo madaxdiisa xilka haysa ama ganacsatadiisu aanay carruurtooda ku aaminin waxbarashada dalka taalla una diraan jaamacado dibadeed! Dal dhan oo dhaqaalihiisu uu ku xidhan yahay xoolaha nool ; xoolahaas oo sannad walba abaar u dhinta marka ay waayeen daryeel! Dal dhan oo leh xeeb dheer se dadkiisu ku garab gaajooonaya! Dal dhan oo dadkiisa loogu sheekeyo in ay yihiin waddan curdin ah oo aan ictiraaf helin; cashuurta laga qaadana aan sifiican wax loogu qaban ee la musuqmaasuqo! Dal dhan oo dhallinyaradiisa sannad walba waaya; markii ay dalkoodii  ka rejo dhigeen miciin biday in ay badaha ku dhintaan. Waxa aynnu nahay qaran ay ugu dhammaadeen 25 sannadood xaalado isbarkan oo noocaas ahi, iyo 2.  Shan iyo labaatan sannadood ka dib waa maxay mushkilada haysata Somaliland? Aniga arigtidayda mushkiladda qaranka haysataa wax ay iila muuqataa Qarannimadii oo la qabyaaladeeyey halkay ka ahayd in Qabyaalada la qarameeyo. Dhibkuna wuxuu yahay dawladnimadii Somaliland oo aan hanaqaadin, hanaqaadkeedan ay jilbaha hayso qabiilka la qarameeyay.

“Mushkilad kasta inta aan la isku qaadin, waxa marka hore wanaagsan in la isweyddiiyo shaqadii ama habkii qaldanaa ee dhalliyay mushkiladda. Sidoo kale waxa wanaagsan in la isweyddiiyo sababtii mushkiladda dhalisay, maxay sidaa ugu dhacday iyo in la isweyddiiyo ujeedada iyo baahida loo qabo in la xalliyo mushkiladda taagan. Inta aan lagu dhaqaaqin mushkiladda xalkeeda, waxa habboon iyana in marka hore aan fahanno mushkiladda. Si mushkiladda loo fahmana waa in la gartaa dabeecadeeda si loo ogaado qiimaheeda. Ka dib markii la ogaaday dabeecadeeda iyo qiimaheeda waxa haddana habboon in dib looga baadho tijaabooyinkii iyo waayo-aragnimadii taariikheed ee lagula dhaqmay mushkiladda noocan oo kale ah (hadday jirtay) Haddayna jirinna waa in dib daraasad loogu sameeyo halka caqabada, dhibka iyo mushkiladu ka timid. Shaki kuma jiro marka mushkilad kasta la fahmo xajmigeeda wixii dhalliyay khatarta ay dhalin karto iyo waayo aragnimadii xal looga dhigay. Si dhab ah loo adeegsado shaki la’aan guul ayaa laga gaadhaa.” (MM Kastan). 

Dawladnimada Somaliland si ay u hanaqaado maxaynu u baahanahay?

Maanta waxa ina hortaalla sidii aynnu u hormarin lahayn dawladnimada iyo qarannimada Somaliland ugana saari lahayn qaranimada qabiilka salka ku haysa. Haddaba qaranimada aynnu sheegeynaa waa tee? Bal aynnu ka soo garoocanno buugga “ Aduun iyo taladii” sida uu u qeexay qarannimadaas. “  Qarannimadu waxay gobonnimo dhab ah keeni kartaa marka ay noqoto mid u taagan oo ku hawlan xaqiijinta xorriyadda muwaadin kasta,ayada oo aan loo kala eegin qolo,degaan iyo midabbo kale midna.Qarannimada dhabta ahi waa ta muwaadinka ka xorayn karta saboolnnimada ee horumar dhaqaale keeni karta,ee shaqo u abuuri karta; waa ta ka xorayn karta jahliga ee laga sugayo in ay u diyaariso waxbarasho cilmiyeed iyo aqoon xirfadeed; eekartida waxqabsho ee muwaadinka kor u qaada; qarannimada dhabta ahi waa ta heerka caafimaadka muwaadinka kor u qaadda ee si joogta ah ugu hawlan inay ka xorayso cudurrada cumrigiisa gaabinaya ee kartidiisa waxqabasho dilaya.Gobannimadu waxay ku jirtaa qiyamta caddaaladda iyo sinnaanta ,iyo sharciga oo loo wada hoggaansamo ,ayna dawladda iyo madaxdeedu ,cid walba horteed ,u hoggaansanto.”

Haddaba si aynnu u gaadhno qarannimadaas maxaynu u baahanahy?

Waxaynu u baahan nahay hoggaamiye ku dhaqma shuruucda iyo xeerarka waddanka u yaalla, hoggaamiye rumaysan in sharcigu isaga iyo wiilka baalashlaha ah ay u siman yihiin, hoggaamiye oggol in xilka lagula xisaabtami karo, hoggaamiye og in xilku ammaano yahay oo marka wakhtigiisa uu dhammeysto dadkii ammaanada u dhiibtay ku soo celiya, hoggaamiye ka aragti dheer bulshadiisa na sahan u ah halkay joogaanna hore uga socodsiin karaa .

Gabogabadii waa in aynnu isweyddiino habka aynnu u xusno maalinta qarannimada Somaliland ma yahay mid maan-gal ah? Anniga sida iila muuqata waa mid aad u liidata oo nusqaan ku ah dad raadinaya wixii ugu weynaa ee dawladnimo jirta lagu noqon noqon lahaa; in ay ku sikhraamaan heeso iyo jaas ay maalintan ku xusaan, xataa xafladdaha noocaas ahi waxay ka dhacaan aqalka Madaxtooyada, sida aan qabo halka ay ka ahayd habeenkan in dood cilmeyeed lagu qabto (Madaxtooyada) la isna weyddiiyo wixii sannadkaas qabsoomay iyo wixii aan u qabsoomin Siyaasadda guud ee dalka iyo gaar ahaan siyaasadda arrimaha dibada. Madaxweynaha Tansaaniya Mudane John Magufuli ayaa markii uu xilka qabtay wuxuu sheegey in uu joojinayo maalinta ku beegan madaxbanaanida dalkiisa wuxuuna ku sababeeyey isaga oo leh hadal sidan u dhigma “ Waa wax laga xishoodo in lacag badan lagu bixiyo dabaaldeg iyada oo dadku u dhimanayaan xanuunka daacuunka”.

Hadalkayga iyo qormadaydan gaaban aan ku soo xidho  Somaliland aan rabo waxay tahay Somaaliland dadkeeda wada deeqda oo ay u siman yihiin. Somaliland aan la kala sheegan oo la wada leeyahay. Somaliland horumarsan dal ahaan iyo dad ahaan. Somaliland maalinteeda cusubi ka qurux badan tahay maalinteedii tagtay. Somaliland aan jacaylka aynnu jecel nahay uuna ahayn maalin iyo labo, Somaliland wax ina wada tarta een ina kala tarin, Somaliland isku keen haysa een ina kala eryin. Isku soo wada duuboo:

Waxa maanta ii daran,

Qaran haga dadweynaha,

Qaran damal sidiisii,

Noo dallaalimeeyoo,

Soo taabta darafyada

Qaran aan dir-sooc jirin

Qaran aan ahayn dulin

Nabad-doonka beeshiyo

Raacatada dulsaar ku ah;

Qaran aan dirsada oo

Anigaysku kay dirin;

Qaran iigu soo dara

Aan iiga sii darin;

Qaran gudaha daafaca

Dibeddana aqoonsi leh.

 Isku soo dabaal oo

Waxaan doonayaa qaran

Qaran dhaama kii dumay.(Gaarriye, Dabataxan, 1997 AHUN.)

W/Q: Xamse Cabdiraxman M. Maal.

Email:xamseml9@gmail.com