“Somaliland Waxay Noqon Doontaa Wax La Wada Leeyahay Ama Somaliland Cid Gaar Ahi Yeelan Mayso”

26
3426

Hargeysa(Geeska)-Suldaanka guud ee beesha galbeedka Burco Suldaan Cismaan Suldaan Cali Suldaan Madar, ayaa sheegay in Somaliland ay noqon doonto meel dad gaar ah ay leeyihiin ama mid la wada leeyahay.

Waxa uu suldaanku duray hadalkii ka soo yeedhay Suldaan Xasan waxaanu xukuumada ku dhaliilay inay hadalada beelaha gaarka ah lagu duray ay kula socoto. Suldaan Cismaan Suldaan Cali oo warbaahinta la hadlay waxa uu hadalkiisa ku bilaabay “Waan maqlaayay ninkaas Suldaan Xasan ee Burco ka hadlaayay maaha markii koowaad, wax aad iyo aad wax la’la yaabo ah in nin suldaan ah oo waliba saldanadii hore ka soo jeedaa inuu caado iyo dhaqan ka dhigto inuu faano iyo inuu dad dhaleeceeyo in gole wal oo uu tagaba uu cid ka duro oo uu qabyaalad iyo kala qaybin dalka ku saabsan ka hadlo, waa nasiib daro runtii, Somaliland inay dimuqraadiyadeedii iyo wax wada yeelashadeedii ayay dhaawac weyn ku tahay.”

Suldaan Cismaan oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi, “Waxaan u arkaa maamulka dawlada maanta joogta in ragaas sacabka isku garaacaya ee qabyaalada ku hadlaaya  ee bulshada kala qaybinayaa  inay afkoodii ku hadlayaan ayaan u arkaa, ninba waxa uu tabcado ayuunbuu heli doonaa hadii laga dayn waayo oo bulshada wada noolaanshaheeda la tixgalin waayo oo maalin walba faan iyo sacab isku garaac ay timaado, ama wax la wada leeyahay ayay Somaliland noqon doontaa oo dadka ka dhaxeeya oo hore u socota oo wanaagii la tabcaayay leh ama Somaliland cid gaar ah yeelan mayso ee waxay noqon in dib looga tashadaa.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here