Hargeysa (Geeska)- Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland Cali Maxamed Waran Cade oo ku sugan magaaladda Ceerigaabo ayaa ka hadlay wararka ka soo baxay Turkiga ee sheegaya in wada hadaladii somaliland iyo Soomaaliya ka qayb galkooda loo badalay dhanka madax dhaqameedka, waxaanu si adag ula hadlay dawladda Turkiga iyo dawladda Soomaaliya.
Wasiirka oo ugu horayn ka hadlay magaalada Ceerigaabo ayaa yidhi “Waxaanu maanta isugu nimi in aan ka jawaab celino mu’aamarad balaadhan oo loogu tala galay in dalka Somaliland lagu dibin-daabyeeyo baryahan dambe, waxaad la socotaan in mudo dawladda Turkiga iyo maamul ku sheega Xamar inay ku shaqaynayeen sidii loo mijo xaabin lahaa qaranimadda iyo midnimadda umadda reer Somaliland, waxaanay dawladda Turkigu dalkooda ku qaban jirtay in mudo ah shirar ka dhaxeeya dawaladda Somaliland iyo maamulka Soomaaliya taas oo dawladda Somaliland u fahantay in shirkaa ujeedadeedu ahaa in Somaliland lagala maqaamo dhigo bulshada Kurdish-ka ah ee gumaadka iyo fool xumadda ay ku hayso dawladda Turkigu oo runtii haddii ay doonayso inay na kala saarto anaga iyo Soomaaliya waajibkeeda koowaad ahaa in dadka Kurdish-ka ah ee dhibaataysan ee gacanteeda ku dhibaataysan inay wax ka qabato”
Wasiir Warancade ayaa inaas ku daray in Soomaaliya iyo Turkigu ay isku bahaysteen sidii ay Somaliland dhibkooda ay uga shaqayn lahaayeen, waxaanu intaas ku daray in go’aanka ka qayb galka shirka ay leedahay xukuumadda Somaliland, waxaanu yidhi “Waxay dawladda Somaliland iska gartay khiyaamadda iyo dibin-daabayada ku jiray shirarkaas, waxaanay dawladdu ka maagtay inay inay sii wado wada hadalka Turkigu marti qaaday, waxaana hubaal ah haddii dawladda Somaliland ay shakigaa ka muujisay wada hadalkaa Turkiga oo ay caalamka u bandhigtay in meel dambe oo Turkigu kaligii joogo aanan kaga wada hadlin Soomaaliya, oo aanu ku wada hadli doono madal madal balaadhan oo caalamka badankiisu joogo; waxaa soo if baxay oo dawladda Turkiga iyo dawladda taagta daran ee Xamar isku bahaysteen in halkii Somaliland ay albaabka ka soo gali lahaayeen inay daaqadda ka soo galaan oo khiyaamo iyo dhagar ay u badheedhaan Somaliland iyaga oo aan geedna ugu soo gaban in bulshada rayidka ah, salaadiinta iyo qaybo ka mid ah bulshada Somaliland inay la xashashaqaan ama ay ugu balan qaadaan shirkii dawladda Somaliland iyo Soomaaliya ay ku wada jireen inay u badasho khiyaamo iyo dibindaabyo; hase yeeshee waxaanu u sheegayna dawladda Turkiga in dalkan ay matasho dawladd umaddu dhisatay”
Sidoo kale wasiirka ayaa dawladda Turkiga mar uu ka hadlaayey ku tilmaamay dhagar qabayaal soo gumaaday dadka Kurdish-ka ah ee ku nool Turkiga, waxaanu intaas kud aray in dib uga fiirsan doonaan xidhiidhkii ay la lahaayeen dawladda Recep Tayyip Erdogan, waxaanu mar kale yidhi “Beenta la sheegayo ee Turkigu dalka kula dhex jirana waxaanu u soo jeedinaynaa inay khatarteeda ku leedahay xidhiidhka ka dhaxeeya Somaliland iyo Turkiga, bulshada reer Somaliland waxaanu ku baraarujinaynaa haday tahay salaadiin, haday tahay qaybaha bulshadda ee kala duwan in aanay dhag u dhigin dhawaaqyda hagar daamadda ah ee ka soo horjeeda qaranimadooda iyo wada jirkooda ee ka soo fulaya Turkiga iyo dawladda ku sheega darmadu ku filiyey dhiiga dadkooda iyo bulshadda ay u taliyaan ay kuraasida u tahay in aanay dhag jalaq u siin, waxaanu uga digaynaa dawladda Turkiga iyo maamulka Xamar in aanay soo fara gellin siyaasadda Somaliland, waxay dawladda Somaliland dib uga fiirsan doontaa cilaaqaadka siyaasadeed ee ka dhaxeeya Somaliland iyo dawladda Turkiga”
Ugu dambayntii wasiirak wasaaradda arrimaha dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ku sugan wadanka Jabuuti ayaa sheegay in xukuumaddu xaq u leedahay ka qayb galka wada hadaladda, isla markaana cidii ay iyadu wakiilato u matali karaan, waxaanu yidihi “Wasiirka arrimaha dibadda ee Somaliland Dr Sacad Cali Shire oo ku sugan magaalo madaxda wadanka Jabuuit ayaa ka hadlay baaqa Turkiga ee sheegaya in madax dhaqameedku ka wada hadali doonaan arrimaha Somailand. Wasiirka oo la hadlaayey warbaahinta ayaa yidhi “sida aad la socotaan wada hadalad waxa uu u socdaa dawaladda Somaliland iyo dawladda Soomaaliya gogoshana waxa u fidiyey wadanka Turkiga sharciga Somaliland wuxuu siinayaa awooda wada hadalka dawladda oo kaliya cid kale siin maayo waana wado hadalo soo socday ilaa 2012-kii. Dawladdu iyada ayaa xaq u leh haddii ay la tashanayso cid ama salaadiind ha ahaato ama ururada bulshadda, culimadda, ganacsatadda, laakin in cid kale arrinkaa uga gacan dhaafto oo ay kala hadasho xaq uma laha; cidii sharciga ku xadgudubtana sharciga ayey is waajahayaan”