Hargeysa(Geeska)Somaliland ayaa sheegtay inay diyaar u tahay inay Mareykanka siiso fursado gaar ah oo la xidhiidha ka faa’iidaysiga macdanta, isla markaana ay u oggolaato saldhigyo ciidan, sida ay tabisay wakaalada wararka AFP.
Wasiirka Madaxtooyada Somaliland, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa wareysi uu siiyay AFP wuxuu ku sheegay in Somaliland diyaar u tahay inay Mareykanka siiso xuquuq gaar ah oo ku saabsan macdanta, isla markaana uu ka dhisan karo saldhig milatari.
“Waxaan diyaar u nahay inaan siino Mareykanka fursado macdan. Sidoo kale waxaan u furanahay inaan u oggolaanno saldhigyo milatari. Waxaan aaminsanahay inaan gaari doonno heshiis,” ayuu yiri wasiirku.
Wuxuu intaas ku daray in Somaliland ay leedahay macdan istaraatiiji ah, inkasta oo aan weli si buuxda loo ogaan tirada maadaama daraasado dhammaystiran aan la sameyn.
Markii la weydiiyay suurtagalnimada in saldhig milatari loo oggolaado Israa’iil, wuxuu sheegay in wax walba suurtagal yihiin, taas oo ka dhigan in Somaliland albaabka u furayso suurtagalnimada saldhig milatari oo Israa’iil leedahay.












