Somaliland Oo Rejo Ka Qabta In Caalamku Wax ka Qabto Hub Ay Dawladda Masar Siisay Soomaaliya

0
657

Hargeysa (Geeska) – Xukuumadda Somaliland ayaa dhaliilo culus u soo jeedisay Soomaaliya, waxayna dambi iyo xad gudub sharci ku tilmaantay in Dawaldda Masar ay Hub siiso Soomaaliya, iyadoo xustay inay Somaliland ahaan filayaan inuu Caalamku arintan wax ka qabto.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Somalilaand Prof:Yaasiin Xaaji Maxamuud Xiir (Faratoon), oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale tilmaamay in Somaliland aan marnaba laga qaban karin Doorasho ay Soomaaliya waddo, waxaanu si gaar ah u dhaliilay siyaasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee ku sugan Soomaaliya, oo uu xusay in aanay dal iyo dad midna aanay matalin, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay  “In Soomaaliya hub la siiyo waa dambi  iyo  xad gudub sharci, Caalamkuna wuu arkaa, ee waxaanu filaynaa inuu wax ka qabto”.

Mar uu ka hadlayey Doorashada Soomaaliya qabanayso oo ay doonayaan inay Somaliland soo gaadhsiiyaan iyo hadallo ka soo yeedhay Siyaasiyiin ka soo jeeda Somaliland oo Soomaaliya ku sugan ayaa yidhi “Waa edeb-darro iyo gef in Rag Soomaaliya jooga ay si khaldan uga hadlaan Somaliland iyo arrimaheeda, Somaliland Doorashadeeda iyo waxay qabsanayso iyada ayey u taallaa, Doorashooyinka Soomaaliya lagu qabanayaana wax haba yaraatee Somaliland ka khuseeyaa ma jiraan, Soomaaliyana Somaliland shuqul kuma leh, kuwa doonaya inay Soomaaliya wax ka noqdaan ee Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda nama matalaan, ee waa Rag shaqo tagay, waxay ka qabsanayaana iyaga ayey jirtaa, laakiin Ragga Somaliland ka soo jeeda ee Soomaaliya u shaqo tagay ma matalaan, magaceegana kuma hadli karaan”.

Mar uu ka hadlayey xanuunka koronaha ayaa wuxuu yidhi “Ilaa maalintii u xanuunku bilaabmay dadka waa loo sheegayey waana looga digayey, dadkana dantooda ayaa laga hadlayaa, xanuunkuna maaha wax qarsoon ee waa wax la hubo oo la wada arko, markaas dadku inay u dhega nugladaan waxay Dawladdu u sheegayso ayaa muhiim ah”.