Somaliland Oo Ogolaatay Qaxootigii Yemen Ee Ay Hore U Diiday

0
586

Picture7Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Dib u dejinta Somaliland Cali Siciid Raygal, ayaa shalay ku dhawaaqay in dib  loo fasaxay qaxoontiga u dhashay koonfurta Somalia kadib markii dhawaan xukumaddu mamnuucday qaxoontiga koonfurta u dhashay ee Somaliland soo gaadhaya waxa uu sheegay in hadda laga bilaabo ay sidii caadiga ahayd u iman doonaan doonyaha iyo maraakiibta sida qaxoontiga Somalia.

Wasiirka arrimaha gudaha oo ay weheliyaan wasiiro kale ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay inaan Somaliland qaabili doonin dadka u dhashay koonfurta Somalia ee ka soo cararaya dagaalka yemen. Waxa uu sheegay in hay’addaha ku shaqada leh qaxoontiga iyo wadamada caalamku diideen inay taakuleeyaan dadka islamarkaana Somaliland aanay u taag hayn.

Haseyeeshee, Wasiir Cali Siciid Raygal ayaa sheegay in hay’adda qaxoontiga aduunka ee UNHCR iyo Hay’adda socdaalka dunidu soo gaadhsiiyeen qoraalo rasmi ah  oo ay ku balan qaadeen inay dadkaasi taakulaynayaan islamarkaana kafaalo qaadayaan inay gaadhsiiyaan degaanada koonfureed ee ay u dhasheen.

Xukumadda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaxoonti Soomaali ah oo loo diiday inay soo galaan dekedda Berbera muddo kooban. Muuqaal laga duubay dadkaasi ayaa muujinayay arxan darro kadib markii hooyooyin caruur wataa ku muusanaabeen inay badda isku tuurayaan haddii aan la dejin, waxaana arrintaasi ka soo horjeestay shacabka Somaliland oo khibrad u leh dhibaatada qaxoontiga.