Somaliland Oo Laga Furay Shir Caalamiya Oo Ku Saabsan Maalgashiga

0
609

Hargeysa (Geeska)-Shir caalami oo ku saabsan Maalgashiga ayaa shalay si rasmiya ugu furmay Magaalada Hargeysa.

Shirkan oo loogu magac daray  Maalgashi Taaba-gal ah iyo Xidhiidh Dhaqaale u wanaagsan Dunida, oo ka furmay Amasadoor Hotel, ayaa waxa soo agaasimay Rugta Ganacsiga Somaliland, waxaana ka soo qayb galay Wasiiro, Rugta Ganacsiga Somaliland, Masuuliyiin ka socda Rugaha Ganasiga Wadamada aynu jaarka nahay, Hay’addo, Ganacsato, Ururo iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Wasiirka Ganacsiga Somaliland Cumar Shucayb Maxamed oo isagu ugu horeyn munaasibadan ka hadlaya ayaa yidhi “Ujeedada Shirkan Ganacsi iskugu nimid runtii waa shir aad u muhiim ah, oo muddo la qaban-qaabinaayey, oo ujeedadiisu tahay sidii dadkeena ganacstada ah iyo dadka Ajinabiga ah ee Ganacstada ahi iskugu xidhmi lahaayeen, oo ay isku weydaarsan lahaayeen xog, oo ay runtii isku weydaarsan lahaayeen wax qabad buuro ah, nabadgalayadii weynu haynaa runtii, waxaynu haynaa fursado badan oo u baahan in wadankeena laga maalgashado”.

Guddoomiye ku xigeenka Rugta Ganacsiga Somaliland Jamaal Caydiid Ibraahim oo isna Munaasibadaas ka hadlay oo isna ka waramaya ujeedada Shirkan maalgashi ayaa yidhi “Shirkan qaban-qaabinay ee aanu idinku soo dhaweeynay, ee aanu ugu magac darnay Maalgashiga Taaba –galka ah iyo xidhiidhka dhaqaale ee dunida wanaagsan, waa mashruuc aanu ugu talagalay in la isku barto ganacsi ilaa ganacsi, oo laga wada hadlo Ganacsiga Guddaha iyo Ganacsiga Caalamiga ah iyo Gobolka oo dhan wixii Af Somali ku hadlaba, oo aynu kaga faa’iidaysano oo aynu isku barano, waan idin soo dhaweeynayaa”.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr Sacad CalI Shire oo isna halkaas ka hadlay ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay in Shir Caalamiya oo ku saabsan Maalgashiga in lagu qabto Somaliland, waxaanu sheegay inuu Somaliland ku soo dhaweeynayo Hay’addaha kala duwan, Ururada kala duwan iyo Rugaha Ganacsiga ee kala duwan ee Shirkan soo qayb galay, waxa kale oo uu ka xog waramay sida ugu muhiimsan ee loo sameeyn karo Maalgashi.

Dhinaca kale waxa iyana halkaas ka hadlay Saraakiil ka tirsan Hay’addaha Caalamiga, Ganacsto iyo dad aad u badan, waxayna dhammaantood sheegeen inay aad ugu faraxsan yihiin Shirkan Maalgashi, waxayna ka xog warameen Maalgashiga iyo faa’iidadu leeyahay.

Dhanka kale Shirkaas lagu soo bandhigay waxyaabaha kala duwan ee laga ganacsado, ee dalka gudihiisa lagu iibiyo