Somaliland Oo Gurmad Mideysan U Abaabulaysa Xalinta Colaadda Awdal Iyo Selel Iyo Qodobo Laga Soo Saaray

0
279

Hargeysa(Geeska)Madaxweynaha Somaliland, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka, ayaa shir wada-tashi ah isugu yeedhay hoggaannada sare ee Somaliland, si xal waara loogu helo colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Selel.

Shirkan oo ay ka qayb galeen shir-guddoonnada labada gole (Guurtida iyo Wakiillada), xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, xildhibaanno iyo guddida nabadda, ayaa diiradda lagu saaray sidii si degdeg ah loo joojin lahaa colaadda iyo dhiigga ku daadanaya deegaannadaasi oo labu beelood isku dilayaan.

Madaxweynaha ayaa ugu horrayn tacsi u diray qoysaska iyo ehelada muwaadiniintii ku naf waayey rabshadaha ka dhacay qaybo ka mid ah gobollada Awdal iyo Selel, isaga oo xusay in xukuumaddu ka go’an tahay ilaalinta nolosha shacabka iyo xasilloonida guud, sida lagu sheegay qoraal kasoo baxay Madaxtooyada.

Intii uu socday kulanka, waxaa si qoto dheer looga dooday xaaladda amni iyo colaadeed ee ka jirta deegaannadaasi, iyadoo la isla qaatay in la hirgeliyo gurmad mideysan oo ay ka qayb qaataan hay’adaha amniga, hoggaanka dhaqanka iyo waxgaradka bulshada, si loo damiyo colaadda loona soo celiyo nabadda iyo wada noolaanshaha.

Madaxweyne Cirro ayaa sidoo kale ku adkeeyey masuuliyiinta ka qayb galay shirka in mudnaanta koowaad la siiyo nabadda iyo wada-hadallada, isaga oo tilmaamay in xalinta khilaafaadka lagu saleeyo sharciga iyo dhaqanka suuban ee bulshada Somaliland.

Waxa uu Madaxweynahu hoosta ka xarriiqay afar qodob oo muhiim ah, kuwaas oo kala ah in si degdeg ah loo joojiyo colaadda, in la sameeyo gurmad mideysan, in la xoojiyo wada-hadallada iyo xalinta khilaafaadka, iyo in la adkeeyo amniga si looga hortago fiditaanka colaadda.

Dhankooda, masuuliyiintii ka qayb gashay shirka ayaa si weyn u taageeray dadaalka Madaxweynaha ee lagu joojinayo colaadda, iyaga oo ballan-qaaday inay door muuqda ka qaadan doonaan hirgelinta nabad waarta iyo soo afjaridda colaadda ka taagan gobollada Awdal iyo Selel.