Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda arrimaha dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis ayaa sheegay in safiiro ka tirsan beesha caalamka oo ay kula kulmeen dalka Kenya ay ka dalbadeen in la soo farageliyo wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ee dhawaan burburay, ka dib markii ay Soomaaliya wada hadaladaas ku soo dartay Masuuliyiin dhalasho ahaan ka soo jeeda Somaliland, oo xilal ka haya Somaliya.
Maxamed Biixi oo Shalay warbaahinta ugu waramay Xafiiskiisa ayaa waxa uu beeniyay warar sheegay in Somaliland lagu daray wadamada aan loo soo safri karin nabadgelyo ahaan, waxaanu tilmaamay in beesha caalamku ay tixgeliso amaanka iyo xasiloonida ka jirta Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay sidan“Safaaradihii badnaa ee aanu la kulanay waan ku qancinay in waxa aanu ku kacnay ay wax sax ah ahaayeen waanay noo garaabeen oo la iskuma ogayn bay yidhaahdeen, fariintaana horteed baanu ka afeef dhiganay oo safaarada Turkigu fartay ka saartay Raysal-wasaaraha Turkiga, markaa waxay ahayd ula kac ay doonayeen inay burburaan wada hadalada oo adduunkana waxaanu u sheegnay Somaliland inay diyaar u tahay, hasayeeshee aanay mar dambe la fadhiisanayn iyada oo aan nala dhexgelin, markaa waxaanu ka codsanay caalamka in la iskugu kaaya yimaado oo nala soo dhexgalo oo aanu u kala ambabaxno si walaaltinimo leh.
Anagu waxaanu jecelnahay wadamadii hore uga soo qaybgalay iyo kuwa geeska Afrikaba inay arrinka soo dhexgalaan, waayo waxaanu aaminsanahay haddii aan nala dhexgelin inay dhibaato ka dhici doonto markaa waxaanu leenahay waa inay dawladahaasi sida ugu dhakhsaha badan u arkaan inay muhiim tahay anaga (Somaliland) iyo Somaaliya sidaanu u kala ambabixi lahayn in dhakhso loo dhexgalo.”
Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada ayaa mar uu ka hadlayey warar soo baxaya oo sheegay in Somaliland loo soo safri karin iyo Wadamo walaac ka muujiyey ayaa yidhi “Warkaasi war sugan maaha, war raad leh maaha wax alaale iyo wax ka jiraan ma jirto, dawlada Denmark waa dawladaha aynu saaxiibka nahay oo xafiis Somaliland ku leh markaanu Nairobi tagnayna Safiirkoodu wuu nala kulmay oo martiqaad balaadhan buu noo sameeyay oo caalamka oo dhanbuu noo soo casuumay, shir gaar ah ayuu nala qaatay. Dawladaha Denmark iyo Somaliland cilaaqaad aad u balaadhan baa ka dhexeeya, waxyaabaha ugu weyn ee dawladahaa iyo dadka aanu la kulanay Kenya, Itoobiya iyo meel kastaba ay aad u tixgeliyeen waxa weeyaan nabada iyo xasiloonida ay Somalilad ka gasho xaga nabadgelyadeeda.”