“Somaliland Khatar Iyo Halis Kasta Oo Loo Maleegayo Way Ka Digtoon Tahay

0
1206

Cali Maxamed Warancadde

Hargeysa (Geeska)-La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde, ayaa tilmaamay in ninka ajaanibka ah ee loo magacaabay Baanka dhexe ee Somaliya inuu halis ku yahay Somaliland, Wadamada jaarka, Maamul Goboleedada kala duwan ee Somaliya iyo Mucaaradka ka soo hor jeeda Dawladda Muqdisho, waxaanu ku taliyey in feejignaanteeda la yeesho.

La Taliyaha gaarka ah ee Madaxweynaha Cali Maxamed Warancadde, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika isagoo ku sugan dalka HIndiya, ayaa sidoo kale baaq u diray guud ahaan Shacabka reer Somaliland, waxaanu ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Arinta laga hadlayo ee ah in Maamulka Muqdisho ay Bangiga dhexe u dhiibayso dad ajinabiya, runtii arintaasi waa arin aad iyo aad u qoto dheer, dabadana waxay ku haysaa arimo Geeska Afrika halis ku ah, sida lala socdo Dawladda Maamulka Somaliya, inay gacan saar la leedahay Dawladdo khurbudaad ka wada Geeska Afrika, gaar ahaan Dawladda Qadar, waxaa la og yahay in lacago fara badan oo kaash ah lagu wax yeelo nidaamka dawladeed iyo wada jirka umadda Somaliyeed ee Koonfurta, iyo dhibaatooyin loogu tagalay in laga abuuro in lagu soo bixiyo lacago fara badan, lacagtaas marka la soo diro waxay ku soo dhacdaa, gacmaha dadka Somalida, oo ogaada, hore ayaa looga maahmay oo la yidhi Abaskuul meelna ma wada joogo, warna iskuma seegana, taasina waxay keentay in wax walba oo la soo shubo, oo loogu tagalay in markiiba la ogaada  hawlaha laga fulinayo, taas oo ay ugu dambaysay afartankii milyan, ee Guddida Dhaqaalaha Barlamaanka Somaliya fashiliyeen,sidaas awgeed Maamulka Muqdisho wuxuu go’aan ku gaadhay cid indho iyo dhega la’a, oo cidii aanay ogaan karin sirtooda, in loo dhiibo, lacagaha la keenayo, oo ay Dawladda Qadarna heshiis ku yihiin, sidaas awgeedna loo soo magacaabay nin si toos ah oo qarsoodiya u soo gaadhsiiya gacmahooda, waxaana loogu tagalay in lagu kharbudo maamul goboleedada Somaliya, xoogaga Mucaaradka ee ka soo hor jeeda Maamulka Muqdisho, iyo waliba Dawladdaha dariska ah ee ay Somaliland ka mid tahay, waxaana qabaa inay arintaasi runtii tahay arin halis ah, waxaana lala maagan yahay Somaliya iyo maamulidiisaba, sirtiisa iyo ogaanshihiisaba in nin iyo laba ay ku kaliyeysato, dadka Somaliyana intooda kalena laga qariyo, arintaasina waa arin halis ah, waxayna u baahan tahay in si qoto dheer loogu fiirsado”.

Cali Maxamed Warancadde, ayaa mar uu ka hadlaayey Somaliland yidhi “Somaliland khatar iyo halis kasta oo loo maleegayo wey ka digtoon tahay, feejignaanteeda wey leedahay, Shacabka reer Somaliland waa Shacab qarankooda jecel, oo nabadooda jecel, oo aan sinaba raali uga noqoynin in waxyeelo loo geysto qaranimadooda iyo nabadoodaba,qaran ahaan, dal ahaan, dad ahaan iyo dawlad ahaanba waanu ka midaysan nahay ilaalinta qaranimadayada, cid waxyeelo la maagana ka yeeli mayno, waxaanu jecel nahay in aanu cid walba wanaag u muujino, balse cidii xad gudub nagu soo sameeysa, wanaag nagalama kulamayso”.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here