“Somaliland Iyo Hoggaankan Maanta Joogaa Haddaanay Ka Fiirsan Arrimaha Darafyada Waxaynu Xamar Ula Doodaynaa Ma Jirto”

0
981

Cali Khaliif Galayd

Burco(Geeska)-Prof. Cali Khaliif Galaydh ayaa hoggaanka maanta haya talada Somaliland kula taliyay inay ka fiirsadaan arrimaha beelaha darafyada oo ay ahmiyad siiyaan.

Cali Khaliif Galaydh ayaa mar kale walaac xoogan ka muujiyay hirgelin la’aanta heshiiskii ay wada gaadheen xukuumadii madaxweyne Siilaanyo. Wuxuu Cali Khaliif arrimahan ka sheegay kulan ay isaga iyo Prof. Axmed Ismaaciil Samatar wada jir ugaga qayb galeen magaalada Burco oo lagaga hadlay dimuqraadiyadda iyo doorashooyinka Somaliland, oo uu soo qaban qaabiyay Centre for youth empowerment.

Cali Khaliif Galaydh wuxuu yidhi  “ Waayadan waad maqlayseen qolyo Khaatumo ah iyo guddi Somaliland ah oo wasiiro u badan ayaa wada hadalo u socdeen, arimo culculusna waanu ka wada hadlaynay, arimahaasna qaar aanu heshiis ku gaadhnayna waabay jiraan,oo Oct /2017 aanu ku saxeexay Caynba ayaa jiray oo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud uu saxeexay aniguna aan saxeexay baarlamaankuna uu ansixiyay. Dimuqraadiyada iyo is xukunkeenuna waabu inagu cusub yahay waaba laga yaaba in hawshaasi haddii ay sidaas u dhacday oo madaxweyne uu saxeexay oo baarlamaanku uu ansixiyay in loo qaadanayo in toos waxii ay ku noqonayaan, hadda waliba labada madaxweynaba xisbigii Kulmiye ayay ahaayeen may dhicin, hawshaasi hawl culusna waa ay tahay, waxa dhabtu tahayna waxa weeye mar marbay siyaasadu sakal gashaa bal markaas siyaabo kale oo wax lagu xaliyo waa in la raadiyaa, waxaan is idhi armuu tabliiqi siyaasi uu wax soo kordhin karaa, dadka shacabka ah ee Somaliland oo arimahani ay qusayso armay fiicnaan lahayd inay war buuxa ka hayaan.”

Cali Khaliif Galaydh oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Anigu Cali ahaan mansab aan Somaliland iyo Somaliya iyo meel kale oo caalamka ahba ka rabaa ma jirto laakiin waxa ii muuqata Somaliland iyo hoggaankan maanta jooga hadaanay ka fiirsan arimaha  darafyada waxaynu Xamar ula doodaynaa ma jirto oo laynaga dhagaysanayaa, waa nala laayay sow maaha, waar Somaliland waa ay na laysay qabaa’il iyaga oo ah iyo iyaga oo ciidamo ah oo hubkii Somaliland magaalooyinkayagii ay ku soo galeen, waar  anaga ayaan ku haysan maxaad noo layseene anaga ayaa rabna Somaliland oo dantayada ka aragna meel kale oo aan ku doorsanaynaana ma jirto haddiise ay dhag u jalqin waayaan aniguna aan iska dhoofo, rayi wakhtigiisii yimi wax is hortaagi karaa ma jiro fule xantii ma mooga cida odhanaysa Cali Khaliif horta yuu wataa Dhulbahantaba lama socdee waa been, fakarka ay dadkaasi rabaan waa Somaliland iyo reer Sheekh Isaxaaq marti uma noqonayno ama waxbaanu wada yeelanaynaa ama waxba iskuma nihin.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here