Somaliland Iyo Hay’adda UNFPA Oo Ka Hadlay Khaladaad Lagu Arkay Tirakoob Ay Hay’addaasi Samaysay

0
4166

Picture4Haregyasa( Geeska)- Wasaarada qorshaynta qaranka iyo hay’ada UNFPA ayaa ka hadlay sahan la damacsanaa in wax lagaga ogaado tirada dadka reer Somaliland, sahankaas oo uu soo dhex galay khaladaad ka dib markii maamul gobaleedka Puntland oo isgna laga samaynaayay uu u sameeyay sahamintaas nidaam ka duwan sida Somaliland looga sameeyay.

Wasiirka qorshaynta Dr.Sacad Cali Shire oo ugu horayntii warbaahinta la hadlay ayaa sheegay inay hakad galiyeen sahamintaas kadib markii qaladaad sheegaya in Boosaaso ay ka dad badantahay Hargeysa ay soo baxeen, waxaanu sheegay inay haay’ada UNFPA isla qaateen in arintaas gudi madax banaan loo sameeyo oo soo baadha.

Dr.Cismaan Xuseen Warsame oo ah madaxa marshuucan tiro koobka ee haay’ada UNFPA, ayaa isaguna dhankiisa warbaahinta u sheegay in Somaliland iyo Puntland oo ay marshuucan tiro koobka ka wadeen ay kala qaateen laba nidaam oo kala duwan ayna hubinayaan, waxaanu meesha ka saaray in ay macquultahay in Boosaaso ay ka dad badato Hargeysa.

Ugu horayntii Dr.Sacad Cali Shire oo arintaas warbaahinta kala hadlayaa waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Shaqooyinka wasaarada qorshaynta qaranka waxa ka kow ah inaan xog ururino ama xog dhaqaale ha ahaato ama mid bulsho ha ahaato amaba xogta tirada dadkeena ha ahaatee, markaas runtii haay’adaha waxaanu in badan ka codsanay inay naga caawiyaan sidii aanu xogtaas u heli lahayn.  Haay’ada UNFPA la yidhaahdo oo ah hay’ad ka tirsan qaramada midoobay oo xaga tirada dadka u qaabilsan ayaanu ka helnay balanqaad inay naga caawiyaan sidii bal dadkeena aynu tiradiisa u ogaan lahayn, tirada dadkana waxa lagu ogaadaa wax sahan loo yaqaano.”

Wasiirka oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Sahankan waxa laga samaynaayay Somaliland,Puntland iyo Somaliya haay’adanina saddex kooxood ayay tababartay oo saddexdan meelood ka hawl galay, inaga kooxdii Somaliland ka hawlgalnay waxay bilaabeen qaybtii hore ee diyaarinta, waxanay sameeyeen iyaga oo foomamkii la siiyay raacaya magaalooyinka xog ku saabsan guriyaha la dagan yahay magaalo walba, qoladii loo tabo baray inay Puntland iyaduna xogta ka soo ururiso halkii inagu aynu guryaha ka ururinay iyagu waxay ka ururiyeen qoysaska, dabadeedna wajigii hore markii uu dhamaaday xogtii ka soo baxday ayaa waxay noqotay xog aan lays barbar dhigi karin, waayo qolana waxay tirisay guryaha la dagan yahay oo kaliyaata qolana qoysaska dabadeedna waxa soo baxday tiro sheegaysa dadka laga malaawaali karo inay ku noolyahiin  Boosaaso ayaa ka badan kuwa laga malaa waali karo Hargeysa, ta Gaalkacayana Burco ayay ka badantahay, ta Garoowana ta Boorame ayay ka badantahay, ta Qardhana ta Berbera ka badantahay, markaas runtii waxaad moodaa in uu yahay arin xaqaa’iqa ka baxsan.”

Ugu danbayntii wasiirku waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday “ Khariirada Google-ka ayaan soo qaadanay   isaga ayaana kuu sheegay magaalo waliba inta ay leegtahay markaas halkaas ayaad ka qaadan kartaa tusaale tirada dadka ku nooli magaalo walba, markaas way is waafaqi wayday xogtii horaanu haynay iyo xogtan nooga soo baxday Google Maabiska, markaas xogtaas waxaanu la qaybsanay haay’ada laftigeeda, waxaana markaas ka codsanay in sugitaan madaxbanaan lagu sameeyo wajigan hore intaan looba gudbin wajiga labaad, waanay naga yeeleen. Waxaana la doonayay dadka magaalooyinka in guryaha loogu tago kuwa reer guuraaga ahna ceelasha loogu tago jiilaalka, roobkiina waa uu da’ay markaas dadkii reer miiga ahaa ceelashii waa ay ka tageen, markaas mar hadii ceelashii laga tagay in sahankii la sii wadaa suurto gal ayay noqon wayday dabadeedna hakad ayaan ku samaynay ilaa jiilaalka danbe, waxaana la samaynayaa qiimayn madax banaan iyo in dub loogu noqdo.Had iyo jeer sahamada ku eeg qofka ama qoysku malaha saamayn siyaasadeed  laakiin tirada dadku saamayn siyaasadeed ayay leedahay.”

Dr.Cismaan Xuseen Warsame oo ah madax marshuucan ee haay’ada UNFPA ayaa isaguna isaga oo dhankiisa la hadlaayay warbaahinta waxa uu yidhi “ Sidaad la socotaanba wali tiro koob lama galin oo dad lama tira koobin  markshuucan waxa uu marayaa marxaladii koowaad oo ah in la sameeyo khariidadii oo ah guryahii,ceelashii iyo deegaamadii  dad wali la tiro koobay oo xog laga helayna wali ma jiraan. Sahankan waxa ay hayadu ka shaqaalaysiisay shaqaalahii dawlada dhibka hada jiraana waxay tahay in Boosaaso iyo Hargeysa ay kala qaateen laba nidaam oo Hargeysi waxay qaadatay nidaamka ah in guryaha la tiriyo halka Boosaaso iyo Puntland oo dhamina ay ka qaateen nidaamka mid ka duwan, markaas labada nidaam ee la kala qaatay ayaa kala duwan, runtiina Hargeysa iyo Boosaaso dadkoodu iskuma dhawa waxa jaraa’idku qorayna waan idinka shaafinayaa. Waxaanan cadaynayaa in aanay Boosaaso Hargeysa ka badnayn ee labada nidaam ee ay kala qaateen ee ay tirinta ku saleeyeen uun inay kala duwantahay. Waxaanan ku wadnaa in waxiiba imika la saxo arinkaasna waa bilawe yaynaan wali ku dagdagin.”