Somaliland Caadi Ahaan Sababta Codayntu Waxa Ay U Badan Tahay ‘Codayn Caado Ah’ (Habitual Voting), Waxa Aanay Inta Badan Ku Salaysantahay Qabiil Ama Dano Shakhsi Ah

0
251

Hargeysa(Geeska) Culuumta siyaasadda, waxaa ka mid ah mawduuc ka warrama ‘Habdhaqannada codbixinta’ (Voting Behavior). Waxaa lagu daraaseeyaa sababta qofka ku riixda in uu cid u codeeyo, ama uu ka baydho cid uu u codayn jiray.

Sababahaas waxaa ka mid ah:

  1. ‘Codayn istaraatijiya’ (Strategic Voting): Codbixiyuhu laba murashax oo uu dhaliilsanyahay, ayuu u codaynayaa midka uu is leeyahay wuu ladanyahay. (laba daran mid dooro)
  2. ‘Codayn caado ah’ (Habitual Voting): Waxa uu daacad u yahay murashax ama xisbi uu gar iyo gardarraba u codeeyo.
  3. ‘Codayn taageero’ (Supportive Voting): Waxa uu ku qanacsanyahay siyaasadda, taariikhda, waxqabadka ama shakhsiyadda cidda uu u codaynayo.
  4. ‘Codayn ciqaabeed’ (Punitive Voting): Waxa uu ka baydhayaa murashax ama xisbi uu hore ugu codayn jiray, isaga oo ku ciqaabaya hoggaamintiisii ama habdhaqankiisii oo uu diiddan yahay.

Somaliland caadi ahaan sababta codayntu waxa ay u badan tahay ‘Codayn caado ah’ (Habitual Voting), waxa aanay inta badan ku salaysantahay qabiil ama dano shakhsi ah, laakiin doorashadan isbeddel ayaa jira. Waxa ay u eegtahay in ay dhici doonto ‘Codayn ciqaabeed’ (Punitive Voting) lagaga guulaysto madaxweynaha xilka haya.

Murashax Cirro waxa uu isku darsan doonaa codkiisii caadada ahaa ‘Habitual Voting’, iyo codad aad u badan oo lagu ciqaabayo madaxweyne Biixi.

Goballada Bari qaybtii hore ugu codeysay Biixi, iyo galbeedka shishe oo uu la qaybsan jiray Mucaaradka, labaduba doorkan waxa ay ku ciqaabi doonaan u codaynta Cirro.

Sida oo kale deegaannada taageerada joogtada ah siin jiray madaxweyne Biixi, waxa aan qiyaasaa in doorkan ay codayntoodu sidii hore hoos uga dhici doonto, iyada oo u Cirro codad ka heli doono, ama aanay dadku sidii hore aad ugu codayn doonin. Taas laftigeeda oo ciqaab ah. Inkasta oo qaabka olole ee KULMIYE adeegsaday maalmihii u dambeeyey uu dad badan ku dhiirrigelin doono inay u codeeyaan.

Sababaha ciqaabtani waa dood kale oo qormo intan ka badan u baahan, laakiin ay dadka Somaliland badankoodu ka dheregsan yihiin.

Qalinkii kamal Marjan