Komishanka Iyo Taliska Booliska Oo Dardaaran Siyaay Ciidamda

0
122

Hargeysa(Geeska)Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi iyo Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka Muuse Xasan Yuusuf ayaa maanta aad ula dardaaran muhiima siyay Ciidamada Booliska ee ka hawlgalaayay ilaalinta Sanaaduuqda doorashada iyo guud ahaan amniga dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa cidamada kula dardaarmay in ay si hufan iyo geesinimo leh u gutaan waajibaadkooda, isla markaana ay hawshaasi u qabtaan si waafaqsan qaranimada dalka iyo amniga guud.

Sidoo kale, wuxuu ciidamada ku adkeeyay in ay xasiloonida , kala dambaynta ilaaliyaan iyagoo racaaya  xeerarka doorashada si ay doorashooyin nabad ah u dhacdo.

Guddoomiyaha Komishanka Doorashooyinka Qaranka, Muuse Xasan Yuusuf, ayaa dhankisa u mahadnaqay ciidamada Booliska ee hawsha culus ee ilaalinta sanaaduuqda doorashada qadaaya, wuxuuna tilmaamay doorka muhiimka ah ee Ciidanka Boolisku ka qataan doorashooyinka iyo hufnaanta habsami u socodka doorashada.