Siyaasiyiinta Jarmalka Oo Isku Khilaafay Ciidamo Ay Dawladoodu U Dirayso Somaliya

0
645

Muqdisho(W.Wararka)-Xisbiyada Mucaaradka wadanka Jarmalka ayaa si xoogan uga soo horjeestay Ciidamo ay dowlada jarmalka sheegtay in ay u dirayso dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan tababarana u siyaan Ciidamada dowlada Soomaaliya, arintaan oo qayb ka ah Hawlgalka Midowga Yurub ay ku tababarayaan Ciidamada Soomaaliya.

Waaxda Difaaca dalka Jarmalka ayaa sheegtay in Asxaabta Mucaaradka dalkaasi ay dalbadeen in Ciidamada loo dirayo dalka Soomaaliya uu ka dooda baarlamaanka wadankaasi lana horkeeno qorshaha ka hor inta aan ciidamada loo dirin Soomaaliya.

 Afhayeenka Xisbiga Garabka Bidix ee xidhiidhka Caalamiga ah Stefam Liebich ayaa sheegay in Saraakiisha dhanka tababarada siinaysa Ciidamada dowlada Soomaaliya la qorshaynayo in todobaadyo gudahood loo diro dalka Soomaliya iyadoo aan Baarlamaanku ka doodin.

Dhanka kale Afhayeenka Mucaaradka dalkaasi jarmalka Agnieszka Brugger  ayaa sheegay in ay ubaahanyihiin in sharaxaad laga bixiyo isbadalka dhanka siyaasda ah ee ku wajahan dalka Soomaaliya  iyo ciidamada loo dirayo Soomaaliya.

Bishii December 20 Dowlada jarmalka ayaa ciidamo u dirtay dalka Uganda si ay tababaro u siyaan Ciidamada dowlada Soomaaliya ee tababarada ay ku siyaan Midowga Yurub dalka Uganda gudihiisa.

Lama oga waxa ay dowlada Jarmalka ka yeeli doonto Dalabka Asxaabta Mucaaradka dalka Jarmalka oo dalbanaya in dowladu ay horkeento go’aanka ciidamadeeda ay ugu dirayso dalka Soomaaliya si ay uga doodaan .